Wararkii u danbeeyay ee bariga dhexe oo faah faahsan…Read More

Wararkii u danbeeyay ee bariga dhexe oo faah faahsan…Read More

 

Sidii wararkii uore ee jigjiganews.com ay idiin soo tabisay waxaa wali halkiisii ka sii socda dagaalkii u dhexeeyay dowlada kacaanka Iran iyo dowladaha Maraykanka iyo Israel oo dhinac ah. Duqaymo laba maalmood socday kadib, waxaa sii kordhaya khasaaraha naf iyo maal ah ee uu sababay dagaalkani. Iran, waxaa la sheegay in madax badan laga laayay kuwaas oo ay ku jiraan hogaamiyihii ruuxiga ahaa ee dalkaasi Iran Al khumanei oo shalay duqayn ay ku dileen ciidanka Maraykanka iyo Israel.

 

Dhanka kale, maraykanka iyo Israelbayaa dhankooda sheegay in ay saraakiil badan gacantooda ku baxday oo ka tirsan ciidanka iran. Dhanka kale, dhimashada iyo dhaawaca ayaa la sheegay in ay aad u badanyihiin dhanka Iran, iyadoo ay wali jirto colaadihii.

 

Dalka Iran ayaa dhankooda sameeyay iska caabin iyo duqaymo rogaal celis ah oo ay ku bar tilmaansadeen guud ahaan dalalka khaliijka oo ay duqaymo ka gaysteen.

Dowlada ayaa ugu danbayn xaqiijisay geerida hogaamiyihii ruuxiga ahaa ee dalkaasi Iran oo ay horay u baahiyeen maraykanka iyo Israel iyadoo Iran sheegtay in hogaamiyohoodii ruuxiga ahaa lagu dilay duqaymo ay la beegsadeen diyaarada dagaalka ee Israel iyo Maraykanku.

 

Hoos ka daawo muuqaal faah faahsan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*