Warka aan ka helayno magaalada Qabribayax ayaa sheegaya in saddex caruur ah oo walaalo ah uu guri ku gubtay, saddexdan caruurta ah ayaa la sheegay in ay ku dhinteen guriga gubtay dhexdiisa.
Dabku waa masiibo rabaani ah, waana mid kamid ah waxyaabaha ugu halista badan ee aadamaha nafta dhaafiya, ehelka iyoq araabada waxaan uga tacsiyaynaynaa dhacdada xanuunka badan ee haleeshay, waxaana leenahaya, Samir iyo iimaan Alle ha idinka siiyo.
Maxaa la samayni karaa si looga gaashaanto mustaqbalka arrimaha dabka?
Dowlad deegaanka waxaa maalinba maalinka ka danbaysa soo koraya magaalooyinka korontada leh, waxaana lagama maarmaan ah in wacyi galin loo sameeyo bulshada qaybeheeda kala duwan si ay ugu baraarugsanaadaan halista dabka iyo biyuhu keeni karaan.
Waxyaabaha ugu muhiimsan ee waalidku samayni karaan waxaa kamid ah in aysan caruur yaryar kaligood guri kaga tagin, wakhti badana ka maqnaanin, dhanka kale, waxaa munaasab ah marka la seexanayo in korontada la damiyo, sidoo kalena tuubooyinka biyaha la xidhod dhamaantood, xataa hadii aysan biyo jirin markaas, sababtoo ah way imaani karaan biyuhu iyadoo la hurdo, waxayna keeni karaan halis koronto hadii ay ku fatahaan guriga.
Ku xidhnow: jigjiganews.com

Leave a Reply