Ciidamada Maraykanka oo Quusiyay Markab Dagaal oo Iran leedahay
Ciidamada Maraykanka ayaa sheegay in ay dajiyeen oo ay quusiyeen markab dagaal oo Iran leedahay, kaasoo ka tirsan nooca Jamaran‑class, sida ay shaaciyeen US Central Command (CENTCOM).
Markabkan ayaa lagu waramayaa inuu hadda ku sii dhacayo Badda Cumaan, islamarkaana uu ku dhow yahay dekedda Chah Bahar ee koonfur-bari Iran.
Waa mid ka mid ah maraakiibta ugu casrisan ee dagaalka ee ay Iran leedahay.
CENTCOM ayaa sheegtay in weerarkan uu qeyb ka yahay hawlgallo ballaaran oo Mareykanka ka wado gobolka, oo lagu beegsanayo awoodo milatari iyo kaabayaasha Iran.
Markabkan Jamaran‑class ah wuxuu awood u leeyahay dagaalka bada, cirka, iyo ka hortagga maraakiibta kale, waxaana noocan la gudoonsiiyay ciidanka badda Iran sanadkii 2010.
Iiraan ayaa horey u sheegtay inay ka jawaabi doonto weerarrada Mareykanka, hase yeeshee faahfaahinta ku saabsan waxyeelada iyo tallaabooyinka dambe ayaa weli la sugayaa.
Ku xidhnow: jigjiganews.com

Leave a Reply