Deg deg: Iran oo sheegtay in ay gantaalo ku tuureen markabka wayn ee USSAbraham Lincoln…Read Moreo

War hada soo dhacay ayaa sheegaya in ay Ciidamada Iran IRGC sheegeen iney afar gantaal ku tuureen USS Abraham Lincoln. Markabkan ayaa kamid ah kuwa diyaaradaha iyo gantaalada xambaaraha ee ugu wayn dunida ee uu leeyahay dalka Maraykanku.

Ciidamada Iran ayaa bar tilmaameedaanaya meelkasta oo ay ku tuhmaan in Maraykanka ciidamadiisu joogaan ama saldhig ku leeyihiin, iyagoo sidoo kale bewgsaday Saldhigyada ciidamada Faransiiaja iyo maraykankaboo meelo kala duwan ku yaala.

Dhanka kale, wararka ayaa sheegaya in marin biyoodka hormuz gabi ahaanba ay Iran xidhay sidii ay horay u sheegtay, Isla markaasna la arkayay doomaha iyo maraakiibta oo baroosinka aasanaya, maadaamo uu isu socodkii hakad galay.

Dhanka kale, waxaa iyaguna hakad galay diyaaradaha u kala goosha dunida iyo bariga dhexe, iyadoo ilaa markuu dagaalku bilowday ay diyaaradaha dunidu khasaareen malaayiin doollar.

Maraykanka ayaa wax war ah ka soo saaran sheegashada Iran ee la xidhiidha in ay gantaalo la beegsadeen markabkan wayn ee nus duniyaha ah. Maraakiibta waa wayn ee maraykanka ayaa leh difaac adag oo isugu jira gantaalo iyo diyaarado, iyo waliba raadaalo kuwa dunida ugu casri san ah, wixii war ah ee ka soo kordha halkan kala kala soco.

Maraykanka ayaa sheegay in dagaalka ay saddex askari kaga dhinteen halka shan kalena lagaga dhaawacay, tan iyo intuu bilowday dagaalka Iran ka dhanka ah, iyaguna ay gantaalaha ku harqiyeen dalalka xulufada la ah Maraykanka.

 

 

Ku xidhnow: jigjiganews.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*