Sida aad la wada soconteenba waxaa saaka duqaymo ay ka fuliyeen diyaaradaha dagaalka ee Israel gudaha caasimada dalka Iran ee Tahran, iyadoo la arkayay qiiq iyo uuro cirka isku shareertay oo ka kacaya meelo kamid ah gudaha caasimada Tahran.
Dhanka kale waxaa la arkayay diyaaradaha dagaalka ee Israel u duqaynaya Iran si toos ah iyaga oo joog hoose ku duulaya. Warar ayaa sheegayay in gabi ahaanba nidaamka difaaca Iran uu shaqayni waayay, taas oo sida ka sheegay keentay in diyaaradaha wax duqaynayaa ay joog caadi ah oo hoose ku duulaan.
Warar kale oo hada soo dhacay ayaa xaqiijinaya in Iiraan ay duqaysay dalalka Carabta, iyadoo duqaymo ku bilowday dalalka Imaaraadka Carabta, sucuudiga, baxrain, kuwait qatar iyo jordan. Wararka ayaa intaas ku daraya in diyaaradihii dalalkaasi aadi jiray hakad ay galeen, wakhti meelo qaar sida magaalada Dubai la arkayay duqaymo si toos ah ugu dhacaya gudaha magalaada Dubai. Iran ayaa la sheegay in ay doonayso in ay duqayso dal kasta oo ay ku tuhmayso in uu Maraykanku saldhig ku leeyahay, taas oo halis wayn galinaysa guud ahaan dalalka bariga dhexe.
Duqaymaha maraykanka ayaa imaanaya wakhti ay wada hadaladii iran iyo maraykanka u dhexeeyay ee ka socday magalaada Geneva fashilmeen isla markaasna ay midho dhal noqon waayeen. Madaxwaynaha Maraykanka oo hadal kooban jeediyay duqaymaha kadib ayaa sheegay in Iran ay halis ku tahay ambiga dalalka xulufada la ah dalka Maraykanka iyo guud ahaan danaha maraykanka ee gobolka Bariga dhexe.
La soco wixii ka soo kordha arrimahan, ku xidhnow, jigjiganews.com

Leave a Reply