Mekelle: Hadallo Is Khilaafsan oo Ka Soo Baxay Fano, TPLF iyo Maamulka KMG ah.

Mekelle: Hadallo Is Khilaafsan oo Ka Soo Baxay Fano, TPLF iyo Maamulka KMG ah.

 

Mekelle – Solomon Woldegherima oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha sare ee Fano ayaa maanta booqasho lama filaan ah ku tagay magaalada Mekelle, halkaas oo uu wareysi ku siiyay warbaahinta Nile Media. Wuxuu ku eedeeyay dawladda federaalka Itoobiya inay isku dayayso inay colaad ka dhex abuurto shacabka Tigreega iyo Amxaarada, isaga oo sheegay in ay doorbidayaan wada shaqeyn ay la yeeshaan dawladda Eritrea halkii ay kala shaqeyn lahaayeen dawladda dhexe. Wuxuu sidoo kale xusay in labada dhinac ay si buuxda u wada shaqeeyaan.

 

Dhankiisa, guddoomiye ku xigeenka TPLF, Amanuel Assefa, ayaa sheegay in dawladda federaalku si rasmi ah uga codsatay inay ka qayb qaataan dagaal ka dhan ah Fano, balse ay ka diideen. Wuxuu intaas ku daray in shacabka Amxaarada ay la kulmayaan xasuuq, isaga oo ku eedeeyay dawladda dhexe inay ka dambeyso falalkaas.

 

Sidoo kale, Madaxweynaha Maamulka Ku-meel-gaarka ah ee Tigreega, Tadesse Werede, ayaa khudbad uu ka jeediyay mudaharaad ka dhacay Mekelle ku sheegay in aysan aqbali doonin “shirqool lagu kala qaybinayo shacabka walaalaha ah ee Tigrey iyo Amxaarada.” waa siduu hadalka u dhiga.

 

Dowladda federaalka ayaa hore u sheegtay in Fano ay xiriir la leeyihiin TPLF iyo Eritrea, hase yeeshee hadallada kasoo baxay mas’uuliyiintan ayaa muujinaya isbeddel muuqda oo ku saabsan xiriirka dhinacyada ku lugta leh xiisadaha ka taagan waqooyiga Itoobiya.

Dowlada Federalka ah ayaa doonaysa in xuduudaha dalka itoobiya gabi ahaanba ay noqdaan kuwo sugan oo gacanta dowlada Federalka ah ku jira, isla markaasna aan la ogaani doonin in ay sii jiraan deegaano amniga dalka khal khal galiya isla markaasna caqabad ku noqda horusocodka dowlada iyo in itoobiya ay barwaaqo gaadho waa sida dowladu hadalka u dhigtaye.

Xigasho: Qoraxey media

hoos ka daawo dad Gudin askar hubaysan iskaga dhiciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*