Deg deg: Daawo xaaladihii u danbeeyay ee abariga dhexe + holaca bariga dhexe ka jira…Read More

Waxaa bariga dhexe ka taagan xiisad dagaal oo gabi ahaanba halis galisay dunida, iyadoo saacadihii la soo dhaafay la arkayay magaalooyin badan oo gubanaya, sida magaalada ganacsiga dunida ee Dubai iyo qaar kale oo ku yaala guud ahaan dalalka carabta.

Dalalka Baxrain, Qatar, sucuudiga, kuwait iyo qaar kale oo badan auaa la arkayay gantaalo  ay soo tuurtay, iyadoo Iran horay wacad ugu martay in ay gubi doonto guud ahaan dalalka bariga dhexe oo la isla bas beeli doono hadii iyada la soo weeraro.

Israel ayaa dhankeeda war ay soo saartay ku sheegtay in ay rumaysanyihiin in ay duqaymihii maanta ku dileen hogaamiyihii ruuxiga ahaa ee dalka Iran ee Khumaini, iyadoo dhanka kale war baahinta iran ay sheegtay in Ayatulahi uu warbaahinta ka hadli doono oo markaasi ay noolyihiin isaga iyo madaxdii iran oo dhan.

Si kastaba ha ahaatee colaada ka soo cusboonaatau bariga dhexe ayaa halis galinaysay guud ahaanba dhaqaalaha dunida oo ay horay u dhaaweceen colaadihii ka jiray dalka Ukraine iyo Ruushka.

Colaadan ayaa laga cabsi qabaa hadii ay sii daba dheeraato in ay ku soo biiri karaan dalal shidhreye oo dano kala duwan lihi, isla markaasna ay ku dhex dagaalamaan bariga dhexe.

Hoos ka daawo muuqaalka bariga dhexe oo holac ka socdo.

 

Ku xidhnow: jigjiganews.com

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*