Nin yuhuudi ah oo u dhashay Ruushka ayaa u soo alaab qaatay in uu usoo guuro Israa’iil. Garoonka diyaaradaha ee Moscow, markuu ka sii baxayay ayay qolyaha kastamku waxay boorsadiisa ka heleen taallada kurka hogaamihii Ruushka ahaa, Lenin. Waxay weydiiyay, waa maxay waxani?
Ninkii ayaa ku jawaabay, “Waa maxay waxani? Waa su’aal khaldan saaxiib. Waa inaad iweydiisaa, Waa kuma? Kani waa Jaalle Lenin. Wuxuu dhigay aasaaska hantiwadaagga wuxuuna abuuray mustaqbalka iyo barwaaqada dadka Ruushka. Waxaan u qaadanayaa xusuus geesigeenna.” Sarkaalkii kastamka ee Ruushka ahaa isagoo qaj8laad dareemaya, fasaxay isagoona la siibbaadhin.
Markii uu soo gaadhay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Tel Aviv, sarkaalka kastamka ah ayaa sidoo kale weydiiyay saaxiibkay, “Waa maxay waxani?”
Wuxuu ugu jawaabay, “Waa maxay waxani? Su’aal khaldan Mudane. Waa inaad iweydiisaa ‘Waa kuma kani?’ Kani waa Lenin, oo ah nin xun oo ibaday, anigoo Yuhuudi ah inaan ka soo qaxo dalka Ruushka. Waxaan taalladan u wataa si aan maalin walba u lacnado dulliga.” Sarkaalkii kastamka ee Israa’iil oo raali gelinaya ayaa yidhi Mudane, waad sii wadan kartaa.”
Markii uu gurigiisii tagay ayuu qoyskiisii iyo asxaabtii ba casho dabaaldeg imaatinkiisa ah ku casuumay intuu taaladii miis halkana saartay. Mid ka mid ah asxaabtiisa ayaa mar dambe weydiiyay, “Waa kuma kani?”
Wuxuu ku jawaabay, “Saaxiibkayoow, ‘Waa kuma kani’ waa su’aal khaldan. Waa inaad iweydiisaa, “Waa maxay waxani? Waa toban kiilo oo dahab adag ah oo aan ku guuleystay inaan la soodhaafo garoomada caalamiga ah ee Moskow iyo Tel Aviv, iyada oo aan layga qaadin wax canshuur ah.”
Adigu seed u aragtaa qisadan akhristoow, comment nagula wadaag fikirkaaga.
Hoos ka daawo muuqaal xiiso badan, dadkii gudinta askarta iskaga difaacay.
Ku xidhnow: jigjiganews.com, si aad u hesho sheekooyin xiiso badan, warar sugan iyo faalooyin ku cajab galiya.


Leave a Reply