Sanadku wuxuu ahaa 2001 dii, waxaanu ka soo safarnay magaalada Dhagaxbuur anagoo markaas u soconay dhanka Degmada Yoocaale, waxaanu safarka ku ahayn aniga, sagaal haween ah oo ehelkayga ah iyo wiil adeerkay dhakay oo iga yar, wakhtigaas aniga laftaydu waxaan ahaa nin yar oo aan waynayn.
Saacadu waa 6 dii maqribnimo, waxaa noo raran sagaal awr iyo hal dameer ah oo reeeo baadiyaha dagan loo soo dafriyay, wakhtigaas ma jirin gaadiid kale oo badan oo aan ahayn awrta iyo wixii lamid ah, dhanka Hargeysa way ka imaan jireen gawaadhidu, balse dhanka Dhagaxbuur muuna jirin wax gaadhi ah oo si joogto ah uga shaqeeya oo adeeg lagu doonan karay, sidaas darteed dadka in badan ayaa ku adeegan jirtay awrtooda, dameeraha iyo malaha meelaha qaar fardaha.
Wakhti fiid danbe ah ayaanu soo gaadhnay tuulada Falfal oo aan sidaas uga fogayn magalaada dhagaxbuur, tuulada waxaa ku nool gabadh aan mageceeda sii xasuusto oo mageceeda noogu sheegtay shukri, cawl oo iska xanuunsanaa barigaa iyo ilmo yar oo qiyaastii hal sano jir ah.
Dhanka kale, tuulada waxaa daganaa askar milliray ah oo gaadhaysay ilaa 50 ama 60 askari, hadii aanu safarkii furnay oo awrtii xidh xidhnay, waxaa noo yimid laba askaro oo markaas doonaysay in ay na handadaan si ay u helaan haween ay xoog ku kufsadaan, si kastaba ha ahaatee nimankaas waxaanu haweenkii kaga difaacnay gudmo aniga iyo wiilkio yaraa, halka mid kamid ah haweenkii ay noo soo hiilisay, isla markaasna ay dhankeeda gudin inta soo qaadatay difaaca dhankeeda ka gashay.
Warbixintan oo dhamays tiran ka daawo muuqaalka Hoose

Leave a Reply