Wararka aan ka helayno caasimada dalka itoobiya ee Addis Ababa ayaa sheegaysa in laanta socdaalka ee dalku ay ogolaaday in laan cusub oo dhanka socdaalka iyo jinsiyadaha ah ka furayso magaalada Godey oo ah caasimada labaad ee dowlad deegaanka Soomaalida.
Talaabadan ayaa si wayn u caawin doonta shacabka dowlad deegaanka Soomaalida si wayn u caawin doonta oo ka yarayni doonta saxmadii iyo culayskii dhanka qaadashada Baasaboorka iyo waxyaabahala la xidhiidha arrimaha sharciga.
Shacabka dowlad deegaanka Soomaalida iyo guud ahaan shacabka reer itoobiya ayaa dhibaato badan ka mara qaadashada sharciyada sida baasaboorka iyo waxyaabalaha lamidka ah, iyadoo laanta socdaalka iyo jinsiyadaha ee jigjiga iyo Addia Ababa aad arki karto safafka dhaadheer ee ay shacabku ugu jiraan qaadashada baasaboorka.
Waxaa iska caadi ah in safafka dhaadheer ee goobaha baasaboorka laga qaga qaato aad ku aragto dad maalmo badan saf ku jira si ay sharcigaas u qaataan isla markaasna maalin kasta subaxda hore cirkoo xidigo leh intay safka galaan, maqribkii ka dheelmada halkaas iyagoon helin sharcigii ay soo doonteen oo halkaas todobaadyo ama bilo daba wareegaan sidii ay u heli lahaayeen sharciga baasaboorka.
Shacabka ayaa inta badan baasaboorka u qaata si ay u ganacsadaan ama waxbarasho dibada ugu aadaan, halka qaar kale ay baasaboorka u qaadanayaan si caafimaad dibada ugu aadaan ama shaqooyin caalami ah ugu fududaato in ay ka shaqo galaan.
Hoos ka akhriso adeegyada ay bixin doonto laanta socdaalka iyo jinsiyadaha ee laga furi doono magaalada jigjiga.
Laanta Socdaalka Jinsiyadaha ee Itoobiya ayaa sheegtay iney laan cusub ka furtey magaalada Goday ee Deegaanka Soomaalida, Isla markaana waxaa macaamiisha la wargaliyay iney halkaas ka helayaan adeegyo ay kamid yihiin sida.
• Bixinta baasaboor cusub.
• Cusbooneysiinta baasaboorka.
• Dib usoo saarida baasaboor lumay.
• Badalida baasaboor burburay.
• Sixida maclumaadka baasaboorka.
• iyo adeegyo kale oo E-passport-ka.
Daawo saraakiil Eriterian ah oo xadka itoobiya iyo Eriteria Yimid


Leave a Reply