War naxdin leh oo aan ka helnay degmada Garno ayaa sheegaya in Dulleedka Magaaladaasi ay maanta ka dhacay dhacdo fool xun oo argagax iyo yaab ku beertay shacabka Garbo, warkan dhiilada leh ayaa sheegay in wiil yar oo sagaal sano jir ah oo xoolo la joogay beertooda agteeda saaka Toori kurka lagaga jaray .
ilaa hadda wax raad ah oo la xidhiidha cida dilka gaysatay lama hayo sidoo kale wali cidd looga shakiyo ama lagu tuhmayo lama hayo, isbaalka wayn ee magalaada Garbo ayay wararku sheegayaan in hadda lagu hayo maydka wiilka yar isla markaasna lagu baadhayo halkaasi.
Warbaahinta jigjiganews waxay u tacsiyaynaysaa qoyskii iyo ehelkii uu wiilka yari ka baxau Eebbe samir iyo imaan hakasiiyo qaraabada iyo ehelka uu ka baxay dhamaan.
Waxaa laga war sugayaa Haayadaha amniga ee degmada , kuwa gobolka iyo degmooyin kale iyo guud ahaan kuwa dowlad deegaanka ee danbi baadhistu in ay iska kaa shaadaan dhacdadan foosha xun oo gacanta lagu soo dhigo gacan ku dhiiglaha.
Hoos ka daawo wararkii u danbeeyay woqooyiga itoobiya

Leave a Reply