Dhacdo aad u xanuun badan: Wuu Geeriyooday Kadib Markay Hantidii Dhaaftay.

Wuu Geeriyooday Kadib Markay Hantidii Dhaaftay.

 

AUN Dhimbil Ibraahim Feetin wuxuu ahaa mid kamid ah xoola dhaqatada ku nool Gobolka Nogob, gaar ahaan Dagmada Ceel-wayne ee Xarunta Gobolka Nogob, wuxuu ahaa naf naf kale kunool oo aan aqoonin si kale oo loogu noolaado dunidan.

 

Hase yeeshii Abaar daran oo xanuun wadata oo xoolihii haleelay kadib wuxuu waayay woxoogaa kasoo doogay abaarihii hore oo aan helin wax daryeel caafimaad ah. Ugu dambayn markii hashii ugu dambaysay ay hortiisa ku bakhtiday ayuu isna mowdkii haleelay, isagoon haysanin wax uu dib ugu laabto oo hanti ah. Halkaas waxaa kusoo idlaaday noloshii Allaha Unaxariistee Dhimbil Ibraahim Feetin iyo hantidiisiiba.

 

Maamulka sare ee Gumaysiga Ethiopia iyo Maamulka wakiilka uga ah dowlad deegaanka Soomaalida ayaa baryihii lasoo dhaafay mashquul ku ahaa sawiro qurxoon iyo meelo cagaaran oo ay dadka usoo bandhigaan, halka shacabkii uu sida AUN Dhimbil oo kale wada yahay. dhanka kale waxaa la arkayay wasiiro iyo masuuliyiin sare oo qurbaha kiish la wareegaya iyagoo bank maal galin u raadinaya halka dad iuo xoolo shacabkii gurmad deg deg ah u baahan yihiin.

 

Dhulka dowlad deegaanka Soomaalidy 95% malaha wadooyin iyo adeeg dadwayne midna, hadana waxaad arkaysa Wakiilada oo ku faantamaya jid yar oo 1KM ah oo Jigjiga kuyaala!

 

Allaha u gargaaro shacabka dulman ee Soomaalida dowlad deegaanka iyo guud ahaan shacab waynaha Soomaaliyeed ee abaaraysan.

FG: Sawirku waa AUN Dhimbil iyo Hashii Geeliisa Ugu Dambaysay.

Xigasho

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*