Koobka tartanka qurbajoogta itoobiya ee ku nool dalka Maraykanka iyo Canada ayaa la sheegay in lagu qabanayo Minnesota oo ay Soomaalidu ku badan yihiin. Golaha {(The Ethiopian Sports Federation in North America (ESFNA)} ayaa bogiisa facebook ku daabacay in sanadkan tartanka kubada ciyaaraha kubada ee lagu qabanayo gobolkaasi ay weheliyaan ciyaaraha fud fudud iyo waliba soo bandhigitaanka fanka iyo dhaqanka qurbajoogta reer itoobiya ee ku nool wadanka Maraykanka iyo Canada.
Tartankan ayaa la sheegay in uu socon doono 27 bisha lixaad ee sanadkan 2026 ka ilaa bisha todobaad ee isla sanadkan afarteeda. Tartankan oo noqonaya midkii 43aad ee noociisa ah ee la qabto ayaa waxaa ku tartami doona 32 kooxood iyadoo la eegi doono kooxsa markaasi ku guulaysata koobabka tartamada kala duwan ee la filayo in laga qabto gobolkaasi sanadkan.
Tartankan oo la filayo in ay ka soo qayb gali doonaan itoobiyan fara badan ayaa la sheegay in la filayo in ay ka soo qayb galaan inta tartankani uu socdo.


Leave a Reply