Madaxwaynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamex Islaam ayaa hada la sheegay in uu ka amba baxay hotel kii uu daganaa isagoo u amba baxay dhanka airport ka isaga iyo waftigii la socday ee ka tagay Jubbaland.
Arrinkan ayaa imaanaya kadib markii ay dowlada Federalka Somalia iyo golaha mustaqbalku isfahan buuxa ka gaadhi waayeen arrimihii laga wada hadalayay oo ay ugu horaysa doorashada dalka Somalia ka dhici doonta iyo nooca ay noqon karto.
Dhanka kale Madaxwayne Siciid Deni ayaa isagana la filayaa in uu ka amba bixi doono magaalada muqdisho.
Beesha caalamka oo isha ku haysay wada hadalka u dhexeeyay dhinacyada ee lagu kala tagay ayaa ku baaqday in dhinacyadu ay isu tanaasulaan, midnimo lagu wajoho arrimaha Somalia na ay sahlayso in argagixisada laga adkaado isla markaasna geedi socodka dowladnimo ee Somalia ka jirtaa ay noqoto mid hana qaada.
Shirkan ayaa ku soo aadaya wakhti ay dalka Somalia ka jiraan abaaro iyo waliba bisha Barakaysan ee Ramadaan iyadoo si wayn shacabka soomaaliyeed wkahtigan ay baahi ugu qabaan in ay hrlaan gargaar dhanka bani aadaminimada ah.


Leave a Reply