Abiy Axmed: Itoobiya Ma Sii Ahaan Doonto Dal Aan Bad Iyo Dekedo Lahayn…
Ra’iisul wasaare Abiy Axmed, ayaa fariin adag u diray ciidamada qalabka sida ee dalka itoobiya, isaga oo caddeeyay in Itoobiya aysan sii jiri doonin bad la’aan iyo dekad la’aan iyadoo tirada shacabka reer itoobiya ay sii kordhayso maalinba maalinka ka danbeeya.
Ra’iisulwasaare Dr.Abiy oo arrinkaas ka hadlayay ayaa waxaa hadalkiisa kamid ahaa “Qofkii jecel iyo qofkii necebba, Itoobiya bad iyo dekedo la’aan ma ahaan doonto.”
Hadalkan ayaa imanaya xilli ay sii xoogaysanayaan dadaallada Itoobiya ay ku doonayso helitaanka xeebo dekad iyo marin biyood iyo dekedo ay leefahay oo ay isticmaasho.
Hadalkan ayaa ku soo beegmaya wakhti gobolka Geeska Afrika uu ka jiro loolan iyo tartan ay ugu jiraan qaar kamid ah quwadaha dunidu, Iyadoo uu dhowaan madaxwaynaha Turkiga oo booqasho ku yimid caasimada Addis Ababa dhankiisa sheegay inuu Abiy ku waafaqsan yahay in shacabka reer itoobiya ay helaan bad ay isticmaalaan iyo marin biyood ay leeyihiin.
Dowladda Itoobiya ayaa sidoo kale sheegtay inay dhistay ciidan gaar ah oo loogu talagalay la dagaallanka kooxaha hubeysan ee ka howlgala Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika, iyadoo tilmaantay in ciidamadan ay diiradda saarayaan sugidda xuduudaha iyo ka hortagga khataraha amni ee ka iman kara kooxaha argagixisada ah ee ka dagaalama dalalka deriska.
Hadalka Abiy Axmed ayaa kusoo beegmaya xilli gobolka uu wajahayo tartan siyaasadeed iyo mid amni oo sii kordhaya, iyadoo dalalka Geeska Afrika ay si dhow ula socdaan loolanka iyo taxaalufka kala tartanka loogu jiro.
Dhanka kale, hadalka Abiy ayaa ku soo hagaagaya wakhti ay ciidamadii ugu badnaa itoobiya ku daabushay woqooyiga dalka itoobiya oo ah deegaanka Tigray, halkaas oo ay ka aloosan tahay colaad u dhexaysa xoogaga tplf iyo dowlada Federalka itoobiya.
Balse ujeedka Abiy Axmed iyo hadalladiisa soo laablaabtay ee ku qotama helidda marin-biyoodka iyo adeegsiga badda, waa fariin si toos ah ugu socota shacabka reer itoobiya, iyadoo sidoo kale hadii Eriteria ay qayb ka noqoto arrimaha ka socda drrgaanka Tigray, taasi ay keeni karto in markaas itoobiya ay u hanqal taagto in arrintaasi ay noqoto furaha helitaanka bad dhakhso gacanta itoobiya u soo gasha. Waxaa bilihii u danbeeyay sii kordhayay hadalada kulul ee u dhexeeya itooboya iyo Eriteria, iyadoo wasaarada arrimaha dibada ee itoobiya ay waraaq official ah u dirtau wasaarada arrimaha dibada ee Eriteria iyadoo ka codsatay Eriteria in ay guud ahaan gudaha dalka itoobiya isakaga baxdo.
Hadaba, warar isa soo taraya ayaa shregaya in deegaanka Tigray lagu arkayo ciidamo Eriterian ah oo isu diyaarinaya in ka barbar dagaalamaan kuwa Tplf halka sidoo kale xuduudaha labada dal ay wadaagaan ay Eriteria keentay ciidan iyo saanad aad u badan oo ay isugu diyaarinayso xaalad kasta oo imaani karta.
Lama oga maalmaha soo socda waxa dhici doona, balde deegaanka Tigray ga ayaa waxaa dul hoganaysa heego daruuro colaadeed wadata oo aan la saadaalin karin halka ay ku biya dhigi doonto.
Hoos ka daawo muuqaalka

Leave a Reply