Daaru naciim dhibaatada ka dhacday & xukuumadu siday ugu fashilantay xalinta arrinta…faah faahin

Daaru naciim shariifta lagu dhibaateeyay xukuumadu siday ugu fashilantay xalinta arrinta…faah faahin

 

Waxaa todobaadkii la soo dhaafay dagaal sokeeye oo gacan ka hadal ahi uu dhex maray beelaha walaalaha ah ee shariif iyo karanle, iyadoo dagaalkaasi uu ka dhacay iimay galbeed gaar ahaan qabalaha daaru naciim.

 

Wararka aan halkaas ka helayno ayaa sheegaya in dhibaatadan oo ka bilaabatay beer la isku qabsaday oo maamulku maarayni karo waayay ay isu badashay goob dagaal halkaas oo la sheegay in ay lu dhinteen saddex qof oo shacabka halkaas isku dilay kamid ah halka dhaawaca kale ee labada dhinac uu gaadhayo ilaa saddex kale oo si daran u dhaacantay oo dhaac culus uu soo gaadhay.

 

Qabalaha daaru naciim ayaa la sheegay in wali ay dhibaatadani ka taagan tahay, iyadoo wali wax maamul ah oo goobtaas gaadhay ama xil iska saaray ayna jirin, qof ka soo jeeda qabalaha daaru naciim oo jigjiganews u waramay ayaa noo sheegay in, ilaa iyo haatan wax dowlad ah oo kala dhex gashay ayna jirin, iyadoo laga cabsi qabo in khasaaruhu intaas ka sii bato, hadii aan la heli dowlad kala dhex gasha.

 

Arrinkan ayaa wuxuu kamid yahay arrimaha xukuumada dregaanku ay ku fashilantay xalintooda oo u dhexaysa shacab walaalo ah oo mushkulada dhex taalay ay ahayd beer arrinkeeda si fudud loo xalin karay, ka hor intaan dhiig daadanin.

 

Jigjiganews kala soco arrimaha dhibaya shacabka ee waxka qabashada u baahan, ku xidhnow jigjiganews

 

Warbixintan qof muwaadin ah ayaa u soo diray warbaahinta jigjiganews

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*