Abiy Ahmed oo Hawasa kaga qayb galay dhoolotus Ciidan oo yaab leh…Daawo muuqaalka…
Ra’iisulwasaaraha dalka itoobiya Dr.Abiy Ahmed ayaa maanta iyo shalay ku dugnaa magaalada Hawasa ee dowlad deegaanka Sidamada. Abiy oo labadii maalmood ee u danbaysay ku sugnaa madaalada Hawasa ayaa sheegay in cududa ciidan ee itoobiya ay tahay mid ku filan sugida amniga dal waynaha itoobiya, isagoo ka qayb galay ilaa laba xafladood oo lagu soo bandhigayay dabaal dagyo ciidan.
Ciidanka dabaal dagiisa sida wayn loo dareemayay ayaa ahaa ciidanka loo yaqaano guutada howl galada khaaska ah oo ku gaashaaman diyaaradaha qumaatiga u kaca iyagoo sidoo kale soo bandhigayay xirfadohooda ciidan ee la xidhiidha baarashuut ku duulka iyo sida diyaaradaha qumaatiga u kaca loogaga soo dago baarashiud iyadoo mararka qaar lagu dagayo meel hiyo leh.
Talaabooyinkan oo dhan ayaa ah kuwo dowlada itoobiya ay uga gol leedahay sidii loo heli lahaa ciidan tayo iyo qalab sare haysta isla markaasna u diyaarsan ilaalinta qaranimada iyo madax banaanida itoobiya waa sida laga sheegay fagaareyaashii kala duwanaa ee maalmihii u danbeeyay uu ka qayb galay Ra’iisulwasaare Dr.Abi ahmed.
Hoos ka daawo muuqaal xiiso badan


Leave a Reply