Ra’iisulwasaaraha itoobiya Abiyi Ahmed ayaa maanta magaalada hawaasa kaga qayb galay howl gal dhoolotus ah oo si heer sare ah loo soo agaasimay, dhoolotuskaas oo lagu sameeyay harada wayn ee ku taalada hawasa ayaa waxay sidoo kale muujinaysay in ciidanka cirka itoobiya ay u taba baranayeen si u eg in bad cagaha la galin doono. muuqaalada qaar kamid ah ayaa waxaa la arkayay iyagoo ciidanka cirka itoobiya ay harada dusheeda kaga soo dagayaan parashuud sidoo kalena harada dhexdeeda ku kaxaynayay doomo haradaas dhexdeeda loo isticmaalo.
Dhanka kale, gudiga fulinta ee xisbiga barwaaqo ayuu shir wali u socdaa, shirkaas oo sida la sheegay lagu lafo gurayo arrimaha ka soo cusboonaaday wooqyiga itoobiya iyo guud ahaan geedi socodka dalka. Inkastoo ayna jirin xog la xidhiidha in qaar la badalayo madaxwayneyaasha dowlad deegaanada hadana guul uu dalka itoobiya gaadho ayaa waxay ku xidhnaani doontaa sida loo kala shaandheeyo xisbiga barwaaqo oo wakhtigan 8 sano kadib wali is huursan isla markaasna uu ku yaryahay isla xisaabtanka, la dagaalanka musuqa iyo waliba hirgalinta howlaha qayb ka qaadan kara hirgalinta qorsheyaasha xisbiga ee la doonayo in itoobiya barwaaqo lagaga dhigo.
Woqooyiga itoobiya ama deegaanka Tigray ayaa lagu xasuustaa in uu ka dhashay khasaare naf iyo maal ah iyadoo la sheego in khasaaruhu uu gaadhayo ilaa 600 oo kun oo qof geeri ah iyo dhaqaale bur bur badan. Saraakiisha hogaaminaysa TPLF ayaa dhankooda sheegay in ay si wayn isugu diyaarinayaan howl galkan oo ay shregrrn in uu yahay mid ay shacabkooda ku difaacayaan.
Si kastaba ha ahaatee, shacabka Tigray ayay kooxda TPLF si wayn ugu dhex dagaalantay isla markaasna u horseeday colaad halaag ah oo ilaa iyo maanta aysan ka soo kabanin, halka hadana ay kooxdaasi u diyaarsantajay in ay colaad tii hore ka halis badan lugaha u galiso shacabka Tigray ga. Iyadoo ay soo ifbaxayso halista colaadeed ee ka jirta woqooyiga itoobiya, waxaanu diirada ku hayni doonaa hadba sida uu xaalku noqdo, anagoo idinkula wadaagi doona hadba wixii soo kordha warbaahinta jigjiganews.
Hoos ka daawo muuqaal faahfaahsan

Leave a Reply