Wax badan ka ogow warqada uu dhaxal sugaha Sucuudigu u diray imaaraadka…

Wax badan ka ogow warqada uu dhaxal sugaha Sucuudigu u diray imaaraadka…

 

Sida ay jigjiganews ka heshay ilo xog ogaal ah oo lagu kalsoonaan karo, dhaxal sugaha sucuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa waraa1 dheer u diray madaxa sirdoonta ee isutaga imaaraadka carabta, warqadaas oo sida la xaqiijiyay aad u dheerayd.

 

Warqadan ayaa waxay ku saabsanayd cabashada boqortooyada sucuudiga ee laxidhiidha arrimaha uu dalka imaaraadka carabtu ka wado gudaha dalalka Yemen iyo Suudaan. Dalka Suudaan, imaaraadka carabta ayaa la sheegay in uu si wayn u taageero kooxda dacmu sariic ama RSF oo dowlada Sudan dagaal kula jira mudo uu dheer.

Warqadan oo sida la sheegay ay ku qornayd cabasho aad u qoto dheer ayaa sidoo kale lagaga hadlay sida sucuudigu uga xun yahay ku lug lahaanshaha imaaraadka ee arrimaha dalka Yemen oo xuduud la leh sucuudiga isla markaasna uu dalka sucuudigu u arko in ay masuuliyadi ka saarantahay xaqiijinta Yemen nabad ah, gaar ahaan koonfurta dalkaasi Yemen.

 

Dhowaan ayay ahayd markuu sucuudigu kala erayay kooxo calooshood u shaqaysteyaal ah oo qas ka waday dalka Yemen. Waraaqdan ayaa sidoo kale la sheegay in Sucuudigu uu doonayo in ay reer galbeedku dhex dhexaadiyaan isaga iyo imaaraadka carabta iyadoo Sucuudigu uu arrimaha ay imaaraadku ka wadaan Sudan iyo Yemen ku tilmaameen kuwo aan loo dul qaadan karin oo xad dhaaf ah.

 

Dalalka Sudan iyo Yemen ayaa sanadihii u danbeeyay wajahayay colaado xadhkaha goostay oo si wayn u halakeeyay dalalkaasi.

Dalka boqortooyada sucuudiga ayaa ah dal aan dagaal jeclayn, isla markaasna ku dadaala in uu ka baaqsado colaadaha, balse sida warqadan lagu sheegay imaaraadka oo dhowaan Somalia laga eryay ayaa ah dal si wayn ugu howlan arrimo dalal badan oo kale oo murugsan.

Hoos ka Daawo muuqaalka warkan

La soco warar iyo xogaha qarsoon ku xidhnow jigjiganews.com

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*