DAAWO MUUXAAL XIISO BADAN: Bariga dhexe iyo xalaadaha ka taagan+ iiraan ma nabsigii Ciraaq, suuriya, libiya iyo Yemen ayaa ku habusaday….Falanqayn

DAAWO MUUXAAL XIISO BADAN: Bariga dhexe iyo xalaadaha ka taagan+ iiraan ma nabsigii Ciraaq, suuriya, libiya iyo Yemen ayaa ku habusaday….Falanqayn

 

Wali waxaa halkii ka sii socda culayska isa soo taraya ee dagaalka laga cabsi qabo inuu ka qarxo woqooyiga itoobiya ama deegaanka Tigray, xaalada ayaa daqiiqad kasta ka sii daraysa, balse waxaan marnaba la is barbar dhigi karin awooda culus ee ciidamada millitariga itoobiya iyo kooxda Tplf oo ah deegaanka colaad hore oo culusi ku dhacday haatan aan wali ka soo kabanin colaadihii horey u dhex maray iyaga iyo dowlada Federalka itoobiya.

Waxaa mudooyinkii u danbeeyay warbaahinta dunida qabsatay qaylo dhaanta la xidhiidha Iran iyo xalaadaha diblomaasiyadeed ee ay wajahayso, waxaan qormadan ku dul istaagi doonaa, xaqiiqooyin aan hada wakhtigan u muuqanin in badan oo bulshada caadiga ah kamid ah, waa taariikh khadhaadh iyo dhagar dalal badan ay ku burbureen oo ay isla iiraan qayb ka ahayd, iyadoo markaas xukunka dalalkaas ay uga dhex muuqdeen xukun gacanta ugu jira masuuliyiin suni ah, oo awood badan, sida la xasuusto dalka Ciraaq markii xukunkii Sadam Xuseen meesha laga saarayay iiraan garab wayn ayay ka ahayd hawl galkaasi, iyadoo markaas ka dhex arkaysay fursad shiico madaxtinimada lagu dhaxalsiini karo, suniga meesha haystana lagu dhaafin karo, balse iiraan waxay ilowday in dal kasta shacabkiisu go’aamiyaan hadba cidda xukunka imaanaysa, xoog dal dhisan lagu muquuniyaana uu keeni karo in ficilkaasi uu dib ugu soo laabto kuwa arrinkaas qaybta ka ah. Sidoo kale dalka Suuriya, madaxwaynihii hore ee Bashar al Asad inkastoo uu ahaa hogaamiye wadani ah oo jecel inuu jiro dal Suuriya la yidhaahdo oo xor ah, cidna aysan wax u yeedhinin, arrinkaasna dalal badani ay ku taageersanaayeen, hadana wakhtigii uu xukunka hayay, wuxuu ahaa kali taliye lamid ah kii ka talinayay dalka Ciraaq, balse iiraan iyadoo shiiconimo ka urinaysa al asad ayay garab ugu noqdeen gumaadkii caruurta suniga ah, waxaana la qiyaasaa in ugu yaraan 5 millyan oo caruur ah oo reer suuriya ah lagu dilay colaadii kacdoonkii al asad xukunka lagaga tuuriyay, akhristoow suaashu waxay tahay, hadii iiraan ay diidanayd sadam Xuseen ayna ku diideen kali talisnimo, waxay ahayd in suuriya ay sidoo kale Asad iyo kali talisnimadiisa iska fogeeyaan oo ay taageeraan shacabka reer suuriya ee isbadalka doonayay, si lamid ah sidii ay iiraan u taageertay duulaankii ciraaq, waxaan ula jeedaa, fahanka rasmiga ahi waa in Asad ay iiraan shiico nimo ku difaacday caruurtii sunigana u gumaaday, halka ciraaq ay isla iyagoi xukun wadani ah ridaya ay isku dayeen in ay ciraaq ka hirgaliyaan nidaam shiico ah iyagoo meesha ka saaray nidaamkii suniga aha waxaana kamid ahaa wadaadadii shiicada ahaa  ee howl galadaasi sida wayn loogu adeegsaday muqtada al sadar oo in badan laga maqli jiray idaacadaha kala duwan iyo war baahibta.

Dhanka kale, liibiya iyo Yemen ayay iiraan ku faraxsanayd in la dumiyo, halka Yemen ay ku kiciyeen kooxo shiico ah oo dowladnimadii Yemen gabi ahaanba meesha ka saaray, iyagoo dhakhso duqaymo ku bilaabay sucuudiga oo isna markaas ku baraarugay halista jirta, isla markaasna bilaabay duqaymo uu kula kacayo kooxaha xuutiyiinta iyo shiicadii Yemen dumisay ee gaadhsiisay ilaa heer ay kooxo reer Yemen ahi ku dhawaaqeen in ay dalkii Yemen kala qaybiyeen oo ka dhigeen laba wadan.

Intaas oo xog ah adigoo ah akhristoow, ogow qaraalkani ma aha mid lagu taageerayo cid Iiraan duulaan ku ah, ama lagu kala qaybinayo shiico iyo suni, balse waa xaqiio khadhaadh oo indheer garad xog ogaal ah mooyee uuna fahmi karin shaqsiga iska caadi ahi.

Akhristoow, waa laga yaabaa inaad xamaasad dareento marka aad dhagaysato xiisadaha socda, balse maxaa daaha gadaashiisa ka karkaraya oo waa ayo cidda meel loo maro marmarsiinyo loo doonayo ee loogu gabanayo mushkuladaha dunida ka taagan maanta, gaar ahaan bariga dhexe markii laga hadlo.

Ugu danbayn, xaalada Iiraan iyo xulufada reer galbeedku waxay maraysaa in iiraan loo qabtay kaliya 10 maalmood in ay heshiis ku qaadato hadii kale la weerari doono, dhanka kale, wasiirka arrimaha dibada ee dalka iiran ayaa sheegay in maraakiibta maraykanka iyo kuwa reer yurub ay aqoonsadeen argagixiso si lamid ah sida iyaga lagu sameeyay.

Isku soo wada duub oo bariga dhexe ayaa u muuqda meel hada halis colaadeed ay dul hoganayso, inkastoon la ogayn sida uu xaalku noqon doono, la soco wixii ka soo kordha arrimaha geeska Africa caalamka iyo bariga dhexe. Akhristoow, hadii ku jeclaani iiraan iyo hadaad ku niciba, in xuutiyiintii ay iiraan taageeraysay ee Yemen dumiyay, sucuudigana mudo ay is dagaalayeeni in ay u socdeen sidii ay ula wareegi lahaayeen meelo muhiim ah oo sucuudiga kamid ah, balse rabul caalamiinka dunida xukumaa ka joojiyay.

Hoos ka daawo muuqaalka Wararkii u danbeeyay ee Tigray iyo xaaladaha ka taagan Iiraan iyo Maraykanka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*