Waxaa maanta gabi ahaanba baaqday kulankii la filayay inuu dhex maro madaxda dowlada Federalka Somalia iyo xisbiga mucaaradka ah ee la baxay magaca ah Golaha mustaqbalka Somalia oo ay ku midaysanyihiin madaxda dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland iyo waliba qaar kamid ah shaqsiyaadka ugu cad cad ee wakhtigan dowlada federalka Somalia mucaaradka ku ah.
Ma jirto sabab rasmi ah oo la shaaciyay oo la xidhiidha in kulankii maanta la filayay uu baaqdo, balse waxaa la sheegayaa in golaha mustaqbalku ay shir ay shalay galeen ku go’aansadeen in kulanka danbe ee dowlada federalka lala galayo loo saaro gudi kooban oo shan xubnood oo kaliya ka kooban, arrinkaas oo Villa Somalia ay dhankeeda ka door bidaysay in ay la kulanto dhamaan xubnaha mustaqbalka oo aan cidna ka maqnayn, Kulankii shalay dhex maray mucaaradka waa galaha mustaqbalkee iyo dowlada Federalka Somalia ayaa u badnaa is xog waraysi, is arag iyo abuuritaanka jawi kalsooniyeed oo lagu wada hadli karo. Madaxa sirdoonka Somalia Mahad Salad ayaa la sheegay in uu hormuud ka ahaa isu soo jiidka dhinacyada iyo ka shaqaynta sidii ay dhinacyadu isu arki lahaayeen isla markaasna ayna kulamadu u baaqdeen. Arrimaha ugu muhiimsan ee la fialyo in ay dhinacyadu isla lafa guraan waxaa kamid ah, doorashada dhici doonta iyo nooca ay noqon doonto. isku soo wada duuboo warbixina hoose ee ugu danbeeyay ayaa sheegaya in sababta kulunku maanta u baaqday ay ahayd golaha mustaqbalka oo gudi shan xubnood ah u saareen, gudigaas oo ay villa Somalia diiday. Golaha mustaqbalka ayaa dhankooda sheegay in sababta ay shan xubnood u soo sooceeni ay tahay, ciidamada badan ee ilaalada ah ee la socota madaxdan badan oo jidadka magaalada culays iyo saxmad ka abuuraya wakhtiga ay u sii socdaan goobta shirka ama ka soo laabanayaan, maadaamo ay dhamaantood wataan ciidamo ilaalo ah iyo gaadiid badan oo ah kuwa aan xabadu karin iyo waliba gaadiid ilaalo ah oo badan.
Kulankii koobaad golaha mustaqbalka iyo villa Somalia ayaa waxay ahaayeen, in nooc doorasho oo la isla ogol yahay uu dhoco dalka Somalia iyo ciddia matasha ee wakiil ka noqon doonta dowlad goboleedyada fadhigan ka maqan sida, Galmudug, Hirshabelle iyo koonfur galbeed kuwaas oo dowlada federalku ay sheegtay in ay iyadu wakiil ka tahay.
ku xidhnow jigjiganews hadba si aad u hesho xogaha dahsoon iyo wararka geeska Africa iyo caalamka.

Leave a Reply