War deg deg ah: Gaadiid walxaha qarxa laga soo buuxiyay ah ayaa lagu weeraray taliska guud ee NISA.

 

War deg deg ah: Gaadiid walxaha qarxa laga soo buuxiyay ah ayaa lagu weeraray taliska guud ee NISA.

Wararka naga soo gaadhaya caasimada Somalia ee Muqdisho ayaa sheegaya in ay koox hubaysan oo wadata gaadiid laga soo buuxiyay walxaha qarxa ay weerar ku soo qaadeen xarunta taliska NISA.

 

Wararka ayaa intaas ku daraya in Kooxda weerarka fulisay ay soo dhaafeen Hotel Royal Plaza taas oo macnaheedu yahay in guriga kooxda weerarka fulisay ay gaadheen xarunta taliska NISA maadaama Hotelka Royal iyo xarunta guud ee talisku ay masaafo ahaan isu jira ugu badnaan wax ka yar 100 mitir oo kaliya. Iyadoo isla goobtaas ay ku taalo xarunta gaadiidka booliska. Wararka kale ayaa sheegaya inuu yahay weerar loo gaystay sarkaal boolis ah oo aan magiciisa la sheegin wali. Khasaaraha ka dhashay falkan ayaan wali wax faah faahin ah laga bixinin, balse la soco warkan wixii ka soo kordha.

Dowlada Federalka Somalia iyo dowlad goboleedyada ayaa bilihii la soo dhaafay si wayn ugu howlanayd sidii kooxda argagixisadaha ah ee Alshabaab looga sifayni lahaa guud ahaanba gudaha dalka Somalia.

Wixii ka soo kordha kala soco jigjiganews

Hoos ka daawo warbixin kale oo xiiso leh.

Fadlan subscribe my channel.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*