Villa Somalia oo guul ku tilmaantay kulankii maanta + sababta
Villa Somalia ayaa maanta shirkii ka dhacay madaxtooyada qaranaka Somalia ku tilmaantay mid taariikhi ah, iyadoo ay markii hore dood adagi ka taagnayd meesha lagu qabanayo shirkan. Mucaaradka ayaa si wayn ugu doodayay in shirka lagu qanto Xalen Hotel ku yaala, sababo la xidhiidha amniga. Balse is jii jiid badan kadib Waxaa la isku waafaqay in shirku ka dhoco Villa Somalia, iyadoon cidna u dhexaynin dhinacyada, balse ay si madax banaan uga wada hadlaan arrimaha ay doonayaan in xal laga gaadho.
Qodobka ugu muhiimsan ee shirkan ayaa ah sidii la isugu waafaqi lahaa nooca doorasho ee dalka Somalia laga qaban karo wakhtigan, iyadoo dhanka kale si wayn isha loogu hayo mudo kororsiga ay madaxda dowlada Federalka Somalia doonayso.
Shirka mucaaradka iyo dowlada Federalka Somalia oo si rasmi ah maanta u furmay ayaa waxaa ka qayb galay madaxwaynaha Jubbaland, kan Puntland iyo Madaxwyanaha Dowlada Federalka Somalia.
Waxaa sidoo shirka ka maqan qaar kamid ah madaxwayneyaasha dowlad goboleedyada Somalia, iyadoo aan la ogayn ma xasan ayay wakiisheen mise dib ayaa looga yeedhi doonaa si ay qayb uga noqdan dajinta qorshe la isku waafaqsanyahay oo lagu xaqiijinayo doorasho si nabad ah Somalia uga qabsoonta isla markaasna la isla wada ogol yahay.
Ugu danbayn, Villa Somalia ayaa shirkan madaxtooyada Somalia ka fhacay ku tilmaantay guul aan la sahashan karin oo dhanka is aaminka ah, balse waxaa la iswaywaydiinayaan ma heshiinu doonaan mise way isdiidi doonaan madaxda halkaas isugu timid.
Hoos ka daawo muuqaalka

Leave a Reply