Madaxwaynaha Israel oo itoobiya booqanaya amaanta…Xog+faah faahin

Wararka iyo xogo hoose oo ay soo dhiraandhirisay Jigjiganews oo aad wax uga qora dalka itoobiya iyo guud ahaan geeska aafrica ayaa sheegaya in maanta la filayo Madaxwaynaha Israel in uu booqasho ku yimaado caasimada dalka itoobiya ee Addis ababa. Socdaalkan ayaa la sheegay inuu la xidhiidho xoojinta iskaashi ee israel ay la leedahay dalalka Geeska Africa iyo loolanka loogu jiro sidii Africa xidhiidho qoto dheer loola yeelani lahaa.

Madaxwaynaha Israel Isaac ayaa sidoo kale sheegay in booqashadiisu ay la xidhiidho sidii uu taageero ugu raadini lahaa aqoonsigii ay dhowaan israel u fidisay Somaliland oo si wayn ay uga cadhootay dowlada Federalka Somalia.

Sida la wada ogyahay itoobiya ayaa dal ahaan xidhiidh diplomaasiyadeed la leh israel iyadoo sidoo kale ay shacab ahaan xidhiidh u leeyihiin israel iyo itoobiya, iyadoo qoomiyada falaasha ee itoobiyaanka ahi ahi ay asal ahaan ka soo jeedaan dhankaas.

Lama oga waxyaabaha kale ee ay ka wada hadli doonaan Abiyi Ahmed iyo madaxwayne Isaac ka wada hadli doonaan, balse waxaan marnaba meesha laga saarin suurta galnimada ah in colaadaha ka taagan woqooyiga itoobiya ee Tigray iyo raadinta marin biyood ay itoobiya heshaa ay kamid noqon doonaan arrimaha ay ka wada hadli doonaan. Itoobiya, ayaan ilaa hada ka hadlin aqoonsiga Somaliland ay aqoonsatay israel, balse waxaa hubaal in Abiyi Ahmed iyo xukuumadiisu ay arrinkaas isaga fogaynayso arrimo la xidhiidha amniga dalka itoobiya, isagoon doonaynin in uu wakhtigan ku dhaqaaqo arrin Somalia khilaaf kala dhex abuuri karta, wakhti ay Abiyi iyo Xasan sheekh leeyihiin xidhiidh wanaagsan oo aad u dhow.

La soco wixii ka soo kordha warkan.

Ku xidhnow si aad u hesho xogaha dahsoon iyo wararka xiisaha leh ee dunida iyo geeska Africa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*