Saddex sargaal oo Tplf ragii ugu tunka waynaa ah oo Addis Ababa soo gaadhay + u jeedka socdaalkooda
Warar hoose ayaa sheegaya maanta oo jimce ah ay magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka itoobiya soo gaadheen saraakiil saddex ah oo lagu xasuusto in ay ahaayeen kuwii ugu sareeyay ee kooxdii la odhan jiray tplf ee xukunka itoobiya maroorsaday mudo 30 sano ku dhow.
Saraakiishan oo magacyadooda lagu sheegay, General Geush, General tsadkan
General Kebede Gekadu iyo kornayl Negus, ayaa baryihii danbe kamid ahaa saraakiishii hogaaminaysay howlgalkii loogu magac daray xooga nabada ee Tigray ama (Tigray peace force) oo ka howl galayay gudaha deegaanka canfarta halkaas oo lagu hubaynayay laguna abaabulayay xoog ay dowlada Federalku ugu magac dartay xooga nabada oo la rabay in ay gudaha Tigray kula dagaalamaan kooxda tplf isla markaasna xukunka xoog kagala wareegaan.
Saraakiishan oo la sheegay in mid kamid ah waa General tsadkane bil ka hor lagu xidhay magaalada Adigrate iyado xadhigiisa ay salka ku hayeen eedaymo la xidhiidha inuu xidhiidh qarsoodi ah la lahaa dowlada Eriteria ayaa la xaqiijiyay in ay maanta joogaan Addis Ababa.
U jeedkan saraakiishan loogu yeedhay ayaa la sheegayaa in la xidhiidho in ay tahay sidii ay qayb uga noqon lahaayeen howlkan ka dhanka ah kooxda tplf, iyadoo laga yaabo in saraakiishani ay noqon doonaan kuwa deegaanka tigray maamulkiisa lagu wareejin doono kadib markuu howl galka hada bilowday soo dhamaado, colaad iyo is afgatad wuxuu ku soo dhamaadaba. Dhanka kale, taliyaha ciidamada dalka itoobiya Field Marshal Berhanu Julla ayaa maanta xaflad uu ka qayb galay wuxuu ku soo ban dhigay loogo cusub oo loogu magac daray howl galka khaaska ah, dhanka kale, waxaa la sheegay in howl galkaas loogadiisa laga qoray buugaag iyagana goobo kala duwan lagu soo bandhigay maanta.
Hoos ka daawo warbixintan oo dhamays tiran
Jigjiganews kala soco warar xaasaasi ah iyo arrimo qarsoon oo daboolka laga qaado.

Leave a Reply