Diyaaradaha dagaalka ee Ruushka oo lagu arkay iyagoo soo galay hawada Maraykanka gaar ahaan gobolka Alaska, halkaas oo la sheegay in ay diyaaradaha dagaalka ee dalka Maraykanku ka hortageen islamarkaasna dib ugu sgaootiyeen sidii ay dalka Ruushka Gudihiisa ugu laaban lahaayeen. Dhacdadan ayaa ah mid cusub sanadahan danbe, iyadoo si wayn loo xasuusto laba sano ka hor ay joogto ahaayeen diyaaradaha dagaalka oo ay kamidyihiin kuwa nuclear ka xambaara ee Ruushku in ay si joogto ah u soo gali iireen hawada dalka Maraykanka iyo waliba hawada dalalka xulufada la ah dalka Maraykanka ee Nato. Waxaa marar kala duwan la arkay diyaaradaha dagaalka oo noocyo kala duwan ah oo si qaldan u soo galaya hawada dalalka Britain, Norway iyo maraykanka, iyadoo arrimahaas ay dalalkaasi ku tilmaameen dhacdooyin khal khal galin gara nabada caalamka maadaamo dhamaan dalalkaasi ay ku hubaysan yihiin hubka sida ba’an wax u gumaada ee nuclear ka loo yaqaano.
Dhacdada maanta ayaa ahayd mid si wayn u soo jiidatay indhaha warbaahinta caalamka, iyadoo diyaaradaha haqada Maraykanka soo galay ay kala ahaayeen noocyada su 35 iyo sukhoi halka ay ka hor tageen diyaaradaha maraykanka ee F-16, F-35 iyo waliba qaar kale oo kamid ah diyaaradaha maraykanka kuwa ugu casri san wakhti xaadirkan.
Jigjiganews kala soco xogaha dunida iyo warar sugan

Leave a Reply