Xisbiga talada dalka itoobiya haya ee prosperity party ama xisbiga barwaaqo gudigiisa fulinta ayaa khamiistii shalay ahayd sheegay in xisbigu uu yeeshay kulan kooban oo lagu lafo gurayo arrimaha xisbiga sida lagu sheegy warbixin kooban oo xisbiga barwaaqo uu soo saaray. Shirkan kooban ee khamiistii dhacay ayaa ah shir hor dhac u ahaa shir la filayo in gudiga fulinta ee xisbiga barwaaqo ay yeelan doonaan maalmaha fooda inagu soo haya. Shirkan ayaa imaanaya wakhti woqooyiga Tigray ay ka taagan tahay xaalad colaadeed oo halis ah iyadoo sidoo kale ay soo dhowaatay doorashadii la filayay in ay ka dhacda itoobiya guud ahaan bilo yar kadib. Shirkan ayaa sida boodhka shirka la qotomiyay ku xardhanayd ” ሕጋዊ እና ሕዝባዊ መንግስተን ማጽናት ፤ በኅሊና መጥራት ፤ በተቋማት መብቃት” oo macneheedu yahay, “Xoojinta Dowlad sharci ah oo taageere badana ama shacbiyad badan”, Arrinkan ayaa muujinaya in xisbiga talada hayaa u baahan yahay in dib u habayn baaxad leh lagu sameeyo, iyadoo sanadihii la soo dhaafay ay dalka guud ahaanba ka jireen dhaqaale xumo baahsan, qiimaha lacagta oo hoos u dhac badani ku yimid iyo waliba dalka oo ay ka dhamaan la’a yihiin colaado soo noq noqday oo si joogto ah uga socda guud ahaan dalka itoobiya.
Shirkan oo la sheegay in ay ka soo qayb galeen madaxwayneyaasha dowlad goboleedyada dalka itoobiya ayaa shirkan lagu casuumay kadib booqasho laba maalmood ah oo Ra’isulwasaare Abiyi uu ku tagay gobolka Wollega oo qaatay mudo laba maalmood ah isagoo soo kor meeray mashaariic badan oo isugu jirta wax soo saarka beeraha, dalxiiska iyo warashada. Socdaalkan ayaa Waxaa Ra’iisulwasaare Abiy Ahmed waxaa ku wehelinayay madax sare oo ay kamidyihiin Ra’iisulwasaare ku xigeen dalka Ato.Temesgen Tiruneh. Ra’iisulwasaare Abiyi iyo ku xigeenkiisa iyo madax kale oo sare ayaa la arkayay iyagoo dhanka kale ku jira tamashlayn iyo soo bandhigida ciyaaraha fudud sida baaskiilka, ciyaaraha kubada kolayga iyo kaxaynta baaskiilka. Deegaanka Wollega ayaa wuxuu kamid yahay deegaanada ay jirtay jabhada ola ee ka jirta oromia, inkastoo wakhtigan deegaankaas laga dareemayo xasilooni ka badan intii horay uga jirtay.
Inkastoo la filayo in doorashada dib loo dhigo hadii ay bilaabmaan colaadah gobolka Tigray, hadana xisbiga talada haya ayaa wuxuu bilaabay wax u eg ol ole ay isugu diyaarinayaan doorashada todobaad ee la filayo in ay itoobiya ka qabsoonto. Safarka Abiyi iyo Saraakiisha sare ee PP laftiisa ayaa u muuqday mid doorasho iyo mid kalsooni lagaga abuurayo shacabka reer wollega wakhti ay colaada woqooyiga dalku si wayn u salag leedahay. Shirkan la qorsheeyay ayaan wali shaacinin wakhtiga rasmi ah ee uu soo afjarmi doono, balse waa mid la filayo in gabi ahaanba lagu shaandheeyo xisbiga talada haya oo waayahan danbe culaysyo badan wajahayay. Dhanka isla xisaabtanka iyo ilaalinta hantida dadwaynaha ayaa iyadana la filayaa in ay kamid noqon doonto qodobada shirka, iyadoo dhanka kale si wayn loo sugayo in rag badan oo xisbiga jago sare ka haya balse magac u yaal ah iyo madaxwayneyaal dowlad deegaan shirkan karkaarka lagu waydaarin doono, iyadoo ay baryahan danbe soo ifbaxaysay in madaxwayneyaasha dowlad deegaanada qaar ay u muuqdeen qaar aan lagu kalsoonaan karin isla markaasna mudan in meesha la dhaafiyo.
isha ku hay jigjiganews.com wixii wararkan ka soo kordha, sidoo kale subscribe dheh channelka warbaahinta jigjiganews
HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

Leave a Reply