Faah-faahin dheeri ah ayaa kasoo baxaysa qarax ka dhacay maanta Caasimada Muqdisho.

Faah-faahin dheeri ah ayaa kasoo baxaysa qarax ka dhacay maanta Caasimada Muqdisho.

Sidii aan saaka warbixinta idinkula wadaagnay, weerar ismiidaamin ah oo lala beegsaday Gen. Cabdirisaaq Afgaduud ayaa mid ah lala beegsaday Gneralka sida wararku noo xaqiijiyeen, Generalkan oo ka kamid ah hoggaanta caafimaadka ee ciidanka Booliska Soomaaliya iyadoo Gaadhigiisa loogu xidhay Qarax xilli sida la xaqiijiyay uu ku jiray goob cibaado ama Masaajid, ka dibna markii uu ku soo laabtay Gurigiisa oo ku yaala agagaarka Hotel Global ee Muqdisho uu qaraxu dhacay.

 

Sida ay xaqiijiyeen Masuuliyiin ka tirsan Hay’adaha amniga iyo goobjoogeyaal meesha ku sugnaa wakhtigii ay dhacdadu dhacday ayaa noo sheegay inuusan jirin khasaaro ka dhashay, islamarkaana ay waxba kama jiraan yihiin warar la faafiyey qaraxa kadib oo ahaa in weerar lagu qaaday xarunta NISA ee somalia oo markii hore wararku ku soo bexeen.

 

Saraakiisha danbi baadhista iyo laamaha Hay’adaha amniga ayaa gaadhay goobta gaadhigu ku qarxay baadhitaan kadibna xaaladda ayaa ah mid daggan oo wax walba waxay kusoo laabteenn sidoodi caadiga ahayd.

Waxyar kadib markuu qaruxu dhacay, wararka soo baxayay ayaa ahaa in la weeraray Xarunta Nisa, balse warkaasi markii danbe wuxuu noqday mid aan sidaas u jirin.

Ku xidhnow jigjiganews.com

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*