Xaaladihii ugu danbeeyay ee Gobolka Tigray + Culays badan oo ciidan oo la saaray
Waxaa isa soo taraya xiisada u dhexaysa ciidamada Dowlada Federalka itoobiya iyo kuwa xoogaga Tigray. Waxaa todobaadkan si wayn warbaahinta u qabsaday ciidamada iyo qalabka lagu daabulayo ciidamada difaaca Qaranka itoobiya oo si wayn u hubaysan. Waxaa dhanka kale isa soo tarayay todobaadkan qaylo dhaanta ka imaanaysa beesha caalamka ee la xidhiidha dagaal mar kale dib uga qarxa gobolka Tigray, taas oo ay beesha caalamku u aragto mid laga baaqsan karo.
Hoos ka daawo muuqaalka koobaad
Si kastaba ha ahaatee dowlada Federalka itoobiya ayaa doonaysa dhankeeda in ay soo afjarto awood kasta oo dalka gudihiisa kula loolami karta dowlada Federalka ah, waxaana la arkayay generalada ciidamada oo si wayn uga hadlaya in ay soo celin doonaan saraynta sharciga hadii ay mar kale dagaal la galaan kooxd tplf iyo hadba cidii xulufo la soo noqota.
Taliyaha guud ee ciidamada qaranka itoobiya field Marshal Berhanu Jula ayaa marar kala duwan ku celiyay in itoobiya ay leedahay awood ciidan oo aan wakhtigan cidna holin karin, isla markaasna sugi kara amniga gudaha dalka iyagoo sidoo kale cashar lama ilaawaan ah u dhigi doona cif kasta oo dibada ka soo weerarta itoobiya ama soo raacda kooxaha dowladu la dagaalamayso.
Dhanka kale, golaha Federashinka itoobiya ayaa la filayaa in ay doorashada dib u dhigaan si loo horumariyo xalinta arrimaha ka soo cusboonaaday woqooyiga itoobiya ama deegaanka Tigray.
Hoos ka daawo muuqaalka labaad


Leave a Reply