Xaaladihii u danbeeyay ee Gobolka Tigray

Waxaa todobaadkii ugu danbeeyay deegaanka Tigray ga ku sii qul qulayay kumanaan kamid ah ciidanka difaaca qaranka itoobiya oo la sheegay in ay dhankaas ugu safreen sidii ay deegaanka Tigray u xasilin lahaayeen. Talaabadan ayaa timid kadib markii wasaarada arrimaha dibada ee dowlada Federalka itoobiya dalka Eriteria ka codsatay in ay ciidamadeeda kala baxdo gudaha dalka itoobiya, taas oo sida qoraalka lagu sheegay muujinaysa sida aysan itoobiya u doonaynin colaad hor leh oo dhex marta Eriteria iyo itoobiya wakhtigan, iyadoo badalka colaada ka door bidaysa sidii ay labada dal u sii ahaani lahaayeen kuwo daris wanaag iyo walaalnimo ku wada noolaada.

Daawo muuqaalka koobaad

Dhanka kale, Tplf ayaa dhankooda eedayn u jeediyay dowlada federalka itoobiya iyagoo sheegay in heshiiskii pretoria uu burbur qarka u saaran yahay. Dowlada Federalka itoobiya ayaa dhankeeda xaqiijiyay in talaabooyinka kooxda tplf ay yihiin kuwo carqalad ku ah geedi socodka nabada ee qaranka itoobiya, iyadoo dowladu u aragta kooxdani in ay tahay koox falaago ah oo shacabka Tigray dhibaato in ay u horseedaan doonaya.

Daawo muuqaalka labaad

Ku xidhnow jigjiganews

 

 

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*