Addis Ababa oo kulmisay madaxdii Africa iyo kuwa kale oo ka kala socda dalalka Caalamka…

 

Addis Ababa oo kulmisay madaxdii Africa iyo kuwa kale oo ka kala socda dalalka Caalamka…

Xarunta midowga Africa ahna caasimada Jamhuuriyada Federalka itoobiya ayaa waxay marti galinaysaa madaxda dalalka qaarada Africa oo dhan iyo masuuliyiin kale oo ka kala socota dalalka kale ee caalamka iyo haayadaha caalamiga ah. Waxaa waftigan kamid ah, xog hayaha guud ee haayada qaramada midoobay oo xalay soo gaadhay caasimada Addis Ababa si uu uga qayb galo shirarka ka socda caasimada Addis Ababa.

 

Shirka midowga madaxda qaarada Africa ka sokow, waxaa la filayaa in ay Addis Ababa ka dhacaan shirar kale oo ay kamidyihiin shirka dowlada talyaaniga iyo qaarada Africa, oo la filayo in uu ka qabsoomo isla magaalada Addis Ababa ee xarunta midow Africa.

Madaxda Africa ayaa laga sugayaa qorsheyaal ka badalan kuwii hore ee ku salaysnaa shirka, wada sheekaysiga aan hirgalin lahayn, balse loo baahan yahay in wax laga qabto arrimaha faqriga Africa ka jira, biyo xumida qaarada iyo biyo yaraanta, inta badan qaarada ka jirta. Waxaa sidoo kale la filayaa in laga hadlo cimilada kululaanaysa, isu furitaanka ganacsiga iyo xuduudaha si loo horumariyo ganacsiga xorta ah.

Dhanka kale, madaxwaynaha dowlada Federalka Somalia Xasan sheekh maxamuud ayaa maanta gaadhay caasimada Addis Ababa si uu uga qayb qaato shirka madaxda midowga Africa, balse waxay dad badani iswaydiinayaan sababta Madaxwayne Xasan sheekh maxamuud uu caasimada Somalia uga safray iyadoo ay joogaan madaxwayneyaasha maamul goboleedyada iyo siyaasiyiinta kala duwan ee xisbiga mucaaradka ee dhowaan ku shiray caasimad dowlad Goboleedka Jubbaland.

 

Dhanka kale, Madaxwayneyaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa dhankooda sheegay in aysan caasimada Somalia ee muqdisho ka tagi doonin inta ay dowlada Federalka Somalia is afgarad ka gaadhayaan.

 

Ku xidhnow: jigjiganews.com

Hoos ka daawo muuqaalo xiiso leh.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*