Markab dalka Turkigu leeyahay oo Muqdisho ku soo xidhay+Sababta

Waxaa talaadadii la soo dhaafay soo gaadhay xeebaha caasimada dalka Somalia ee Muqdisho, markab ay leeyihiin ciidamada bada ee dalka Turkigu. Markabkan oo xeebta muqdisho si rasmi ah loogu soo dhoweeyay takaadadii ayaa la sheegay in Somalia ay ku doonayso in ay u kaashato ilaalinta bada Somalia wakhti xiisadaha la xidhiidha badaha ee geeska Africa ay sii kululaanayso. Markabkan oo ay soo dhowayntiisa ka qayb galeen Omar Ali oo ka socday wasaarada Gaashaan dhiga iyo taliyaha guud ciidamada xooga dalka Somalia, safiirka Turkiga u fadhiya Somalia iyo masuuliyiin kale ayaa la sheegay in uu joogi doono xeebaha dalka Somalia isagoo ku howl gali doona markabkaasi qorshe heshiiseed iyo is afgaradka dowlada Turkiga iyo dowlada Federalka Somalia.

Waxaa bilihii u danbeeyay sare u sii kacayay xidhiidhka ka dhexeeya dowladaha Turkuga iyo Somalia, iyadoo iskaashi dhanka baadhista shidaalka iyo macdanta ahna la filayo in uu Turkigu ka fuliyo gudaha dalka Somalia.

 

Turkiga ayaa maalgashiyo aad u heer sareeya ka fuliyay dalalka Ethiopia iyo Somalia, iyadoo maalgashiga Turkiga ee itoobiya uu ka badan yahay saddex jibaar midka uu Turkigu ka samaystay Somalia. Dhanka kale, xidhiidhka Somalia iyo itoobiya ayaa aad u wanaagsan iyadoo aysan wakhtigan jirin wax isfahan darro ah oo haba yaraatee u dhexeeya labadan dal ee African ka ah.

Ku xidhnow jigjiganews.com

Hoos ka daawo warar dheeraad ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*