Deg deg: Dagaal maanta ka dhacay deegaanka Axmaarada+duqaymo ay sameeyeen ciidamada cirka ee itoobiya…
Wararka ka imaanaya woqooyiga dalka itoobiya gaar ahaan deegaanka Axmaarada ayaa sheegaya in maanta ay deegaankaasi ka dheceen dagaalo u dhexeeyay kooxda Fano ee ka dagaalanta deegaanadaasi iyo ciidamada Dowlada Federalka itoobiya, oo mudooyinkii u danbeeyay isu fara saarayay si fool ka fool ah.
Dowlada Federalka itoobiya ayaa bilihii u danbeeyay ururada dalka gudihiisa ka dagaalama ugu baaqday in ay nabada qaataan si loo helo itoobiya xasiloon oo jirka horumarka qaada.
Hoos ka daawo muuqaalka koobaad
Dhanka kale, ciidamada tplf ayaa dhankooda waday howl galo iyo dagaalo goos goos ah oo ka dhan ah ciimada dowlada Federalka ah, iyadoo ay dhanka kale jireen saraakiil ka tirsan kooxahan oo si joogto ah isu soo dhiiba nabadana u qaata marar kala duwan.

Leave a Reply