Dowlad deegaanka Soomaalida wali kama dhicin doorasho xor iyo xalaal ah, balse waxaa ka dhici jiray doorashooyin macmal ah oo aan gabi ahaanba haba yaraatee waxba ka jirin. Shacabka dowlad deegaanku wakhtiyadii dowladihii hore ay ka jireen dalka itoobiya mayna lahayn nidaam qoomi ah oo qeexaya xuquuqda qoomiyadaha kala duwan ee dalku ay kala leeyihiin iyo kuwa ay wada leeyihiin, iyadoo markasta ay jireen boqortooyo ama xukun dowlad dhexe oo xoog badan ay gacanta ky hayso oo aan lahayn nidaam doorasho haba yaraatee.
Waxay jabhadihii dowlad deegaanka ka jiray kuwii u danbeeyay nabad qaateen isla markaasna si nabadgalyo ah in ay uga dhaq dhaqaaqaan deegaanka bilaabeen sanadkii 2018 kii, markii ay heshiis rasmi ah dalka dib ugu soo laabteen, wakhtigaas oo ahaa bilowga ka fikirka sidii loo heli lahaa doorasho xor iyo xalaal ah, balse xukuumada dowlada deegaanka Soomaalida ayaa marin habaabisay, isla markaasna ku sii socotay isla jidkii xukuumadihii hore mid lamid ah, maadaamo xukuumada dowlad deegaanka hada ka arrimisa raga hogaamiyaa aysan lahayn aragti dheer, hadaf qeexan oo umadeed ama wax lagu dajinayo qorshe hagaha bulshada dowlad deedaanka boqolka sano ee soo socota.
Wakhtigan, waxaa soo dhow doorasho, balse xalka koobaad waa in gabi ahaanba la badalo xukuumada meesha ka arrimisa, min madaxwayne ilaa heer tuulo ama qabalee, si poo helo nidaam ay hogaaminayaan dad indheer garad ah oo dalka mustaqbalkiisa u fikiri kara isla markaasna umada gaadhsiini kara mustaqbal lagu faani karo oo leh horumar iyo barwaaqo.
Hoos ka daawo muuqaal xiiso vadan.

Leave a Reply