Xukuumada mustafe muxumed Cumar uu hogaanka u hayaa waxay ku soo hagaagtay wakhtigii ugu wanaagsanaa, wuxuu helay fursad ayna helin cid isaga ka horaysay, wuxuu yimid shacabka dowlad deegaanka oo dhibaato ka soo daalay isla markaasna u baahan kaliya cid isku hagaajisa si ay qayrkood u gaadhaan ama u dhaafaan.
Dhanka Nabad galyada, waa wax Alle loogu mahadiyo in ay jabhadii Onlf ee dagaalka kula jirtay dowlada itoobiya qaadatay go’aan geesinimo leh oo ay halgankoodii ugu badalayaan qalin iyo in xuquuqda shacabka dowlad deegaanka si tartiib ah loo raaidyo ilaa heer xoriyadna sidaas lagu gaadho.
Talaabadani qaxay caawisay in shacabka dowlad deegaanka Soomaalidu ku naaloodaan nabadgalyo iyo nafis ay kaga soo kabanayaan dhibaatadii iyo colaadihii mudada dheer ka soo jiray deegaanka Soomaalida.
Hadaba, tan iyo intuu isbadalku ka dhacay dowlad deegaanka Soomaalida waxaa la arkayay madaxwaynaha Dowlad deegaanka Soomaalida iyo masuuliyiinta kala duwan oo si joogto ah uga hadlaya maamulkii iyaga ka horeeyay, si loo dhaleeceeyo, balse arrinkaas wax qorshe ah oo garab socday oo dhibaneyaasha wax loogu qabanayaa ma jirin, waxay xukuumadu ka faa’iidaysataa oo kaliya oohinta dhibaneyaasha, balse cisna iskuma howsho in dhibaneyaasha noloshooda, caafimaadkooda ama heerkooda aqooneed wax lagu soo kordhiyo.
Arrinkaasi wuxuu keenay in xukuumadu ay arrinka dhibaneyaasha u isticmaasho in ay kula dagaalanto mucaaradka, hadba markii ay mucaaradku toosh ku iftiimiyaan fashilka xukuumada mustafe ee 8 sano jirsatay.
Hoos kadaawo muuqaalka

Leave a Reply