Daawo: Madaxwaynaha dowlad deegaanka oo sheegay inuu jaha wareersanyahay+fashilka xukuumada

Madaxwaynaha dowlada deegaanka Soomaalida mustafe muxumed cumar ayaa markii u horaysay si cad u sheegay inuu ku jaha wareeray siyaasada dowlada deegaanka Soomaalida. Madaxwaynaha oo ka hadlayay goob uu ka dhagax dhigayay dabaq la sheegay in uu noqon doono xarunta cadaalada ee dowlad deegaanka Soomaalida ayuu ka sheegay in uu ku wareeray waxyaabaha socda qaar kamid ah, iyadoo markasta ay fashil tahay in hogaamiye umad dhan hogaamiyaa si cad uu u sheego inuu jaha wareeray iyadoo cidii umad hogaamisa ee jaha wareertaa ay mudan tahay in ay is casisho ama meesha la dhaafiyo.

Madaxwayne Mustafe ayaa looga bartay intuu xilka hayay inuu xukuumadiisa ku mashquuliyo waxyaabo aan xigmad badani ku jirin sida ka hadalka xukuumadii ka horaysay, iyadoo dadnimadu ay ku jirtay in go’aan cad laga qaato wixii dhacay, iyadoo 8 sano ay ku luntay ka hadalka dhibaatooyinkii ay xukuumadii hore gaysatay iyadoon ilaa iyo hada waxba loo qabanin dhibaneyaashii deegaanka oo iska noqday kuwo kaliya warbaahinta laga sheeg sheego si loogu gufeeyo daloolada siyaasadeed ee ka jira dowlad deegaanka Soomaalida.

Xukuumada ayaan ilaa hada wax qorshe ah u samaynin dhibaneyaashii, balse ka sheekaynta wixii dhibaneyaasha soo gaadhay ka dhigatay qorshe rasmi ah oo aan dhaafin warbaahinta.

Waxaa tan iyo 2018 kii aad u liita isla xisaabtanka xukuumada, iyadoo ay hubaal tahay in musuqii ugu badnaa abid uu ka dhacay dowlad deegaanka 8 sano ee la soo dhaafay, iyadoo dhanka kale ay xoogaysatay qabyaaladii, kadib markii dhamaan wasaaradaha kala duwani ay noqdeen kuwo reero kala duwan u shaqeeya, wasaarad kasta na masuulka jooga qoyskiisa lagu magacabaay, wakhtigan aynu joognaa, waa wakhtiga kaliya ee adigoo adeeg soo doonto si cad laguu odhan, wasaaradani waa tii reer hebel ee maxaad ka soo doontay away wasiirkii reerkiinu, taas oo keentay in beelaha kala duwan ee dowlad deegaanka dagani ay codsadaan in loo magacaabo wasiir ay qoys ahaan u shaxaadaan, adeegyada dowladana u maraan, maadaamo aan loo adeegaynin beeshii aan dowlada ku lahayn masuul u istaaga danaha shaqsiyaadka beesha.

Hoos ka daawo muuqaalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*