Deg deg: Wasaarada arrimaha dibada itoobiya oo Eritrea ka codsatay in ciidankeeda ay kala baxdo gudaha itoobiya…Read More

Wasaarada arrimaha dibada ee dawlada Federalka itoobiya ayaa markii u horaysay si rasmi ah waraaq ugu dirtay dowlada Eriteria, si ay doqlada Eriteria gabi ahaanba ciidamadeeda ugala baxdo gudaha dalka itoobiya waa sida waraaqda lagu qoraye.

Ciidamada Eriteria ayaa sanado badan ku sugnaa woqooyiga dalka itoobiya, iyadoo bilihii la soo dhaafay dowlada Federalka itoobiya ay codsanaysay in Eriteria ay taageero siiso falaagada ka dagaalanka woqooyiga dalkaasi ee Tigray waa sida qoraalka lagu sheegaye.

Waxaa bilihii u danbeeyay sii kululaanaysay xiisada u dhexaysa doqlada Federalka itoobiya iyo ciidamada kooxda tplf oo meelo dhowr ah ay isku fara saareen ciidamada dowlada Federalka ee itoobiya.

Dhanka kale, ra’iisulwasaare Dr.Abiy Ahmed ayaa booqasho ku tagay magaalada Kombolcha ee deegaanka wallo ee qoomiyada Axmaarada isagoo ku amaanay geesinimadooda iyo sida ay u yihiin dad col iyo nabad ba wax ka keena oo dil iyo nololba leh.

Hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*