Tan iyo markuu dowlad deegaanka Soomaalida ka dhacay isbadalkii lagu badalay qaar kamid ah madaxdii u saraysay ee dowlad deegaanka Soomaalida soo xukumayay mudo 8 sano ah oo ay deegaanka ka jireen colaado u dhexeeyay ciidamda dowlada iyo ururka xorynta ogaden ee ONLF, waxaa rajo badan laga qabay in maalin maalmaha kamid ah ay xukuumada dowlada deegaanka Soomaalidu la imaani doonto qorshe xisbiyada kala duwani ugu midoobayaan danta guud ee shacabka dowlad deegaanka Soomaalida, balse habacsanaanta iyo hurdada dheer ee ay seexdeen kooxda xukunka dowlad deegaanka haysaa ayaa keenaysa in ficilkooda kooxaysiga, dhoodhoof la’aanta iyo daryeel la’aanta danyarta, dhibaneyaasha iyo agoonta deegaanku ay sahli karto in qolo cadhootay oo samirkii ka dhamaaday ay ku dhawaaqaan jabhad cusub, taas oo hadii ay dhacdo xaalada guud ee dowlad deegaanka Soomaalida ku celin karta isla halkii ay sanado ka hor taagnayd, kooxda maamulka haysaana ay noqon doonaan kuwa qaadan doona amar ay dadka ku xidhayaan kuna dilayaan iyagoo markaas ugu mar marsoonaya in ay falaagada taageereen iyadoo la ogyahay sida ay kooxda xukunka joogtaa ugu nixi waayeen, naxariisna u dareensiini waayeen shacabka daalan, xisbiyada samir iyo dhabar adayga badan muujiyay 8 sano oo wakhti dheer ah iyo waliba fursadaha wakhtigan jira oo markasta noqon kara kawo ay wax iska badalaan.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa maalinba maalinka ka danbaysa soo ifbaxaysa iska war hayn la’aanta xukuumada dowlada deegaanka Soomaalida, kala fogaanshaha xukuumada iyo xisbiyada kala duwan, dayaca haysta dhibaneyaasha maalinkasta xukuumadu ay warbaahinta uga varoorato ee hadana aan waxba loo qabanin, ee danqashada lagaga raadiyo xumaantii ay gaysteen xukuumadihii hore, iyadoon dadka noloshooda waxba laga badalin.
Inta badan, qofkasta oo xukuumada dowlad deegaanka damca inuu u tilmaamo fashilka umadeed ee ay dhex fadhido, ayaa la kulma kooxo abaabulan oo baraha bulshada si indho la’aan ah uga difaaca xukuumada, ilaa ay dhibane u noqdaana, ilaawa in ay taageeraan dhaliilasha wax dhiska ah ee lagu toosin karo xukuumada dowlad deegaanka Soomaalida ee iska noqotay fadhiidka, badhtanka u taagan, sicir barar, lacag qiimo dhacday, koox isku duuban oo kaligood noole yaal ah, halka danbtii guud ay tahay mid dayacan, balse lagu baraarugi doono khaladka hada lagu jiro, mqrka xaalku isbadalo.

Partner with us and enjoy high payouts—apply now!