Itoobiya oo daabacaysa lacag ay gaar u leedahay+ u jeedka laga leeyahay

Dowlada Federalka Itoobiya ayaa markii u horaysay ku dhawaaqday in ay daabacan doonto lacag dalka gudihiisa lagu samaynayo oo la isticmaali doono, isla markaasna noqon doonta lacagta rasmiga ah ee dalka itoobiya uu yeelan doono. Ra’iisulwasaaraha dalka Itoobiya Dr.Abiy Ahmed ayaa baarlamaanka hortooda ka sheegay in la gaadhay wakhtigii dalka Itoobiya uu yeelan lahaa lacag dalka gudihiisa lagu daabacayo. Dr.Abiy oo khamiistii arrinkan ka hadlayay wakhti uu waraysi siiyay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in u jeedka lacagtan cusub loo daabacayaa ay tahay sidii loo heli lahaa lacag ay leeyihiin dadwaynaha reer itoobiya oo gudaha dalka lagu sameeyo.

 

Talaabadan ayaa imaanaysa wakhti ay dunidu wajahayso dhaqaalo xumo, colaado ka huraya daafaha dunida iyo isdiidooyin waa wayn oo dunida ka soo ifbaxaya, iyadoo dagaalka u dhexeeya Ukraine iyo Ruushku uu yahay dagaalka saamaynta ugu wayn dunida oo dhan ku leh, ilaa iyo maantana uu la dhutinayo dhaqaalaha dunidu. Dhanka kale, waxaa soo kordhaysa cabsida la xidhiidha in nidaamyada dunida u yaala ee kala duwani ay si fudud u bur buraan wakhti saamaynta iyo u hogaansanka haayada qaramada midoobay goleheeda amaanku uu maalinba maalinka ka danbeeya isa soo tarayo. Hadaba Talaabadan ayuu Dr. aniy sheegay in ay kamid tahay qorsheyaasha dowlada ee badan ee la doonayo in shacabka reer itoobiya lagu gaadhsiiyo isku filaansho buuxa iyo barwaaqo waarta.

Talaabadan ayuu Dr.Abiy sheegay in ay tahay mid si wayn garab uga heli doonta warshada dahabka lagu sifeeyo ee laga dhisayo gudaha dalka itoobiya, taas oo maraysa meel gabo gaba ah oo dhowaan bilo kooban ka dib iyadoo dhamays tiran shaqada bilaabi doonta. Dalka itoobiya deegaanadiisa kala duwan ayaa sanadihii u danbeeyay la arkayay iyagoo aad ugu howlan wax soo saarka macdanaha noocyadooda kala duwan oo lagu wareejinayo dowlada Federalka ah iyo Bangiyada dowlada si loo abuuro dhaqaale gun dhig uu yahay dahabka uu dalka itoobiya qaniga ku yahay ee laga helo buuraha dabiiciga ah ee dalka oo dhan ku teedsan. Inkastoo arrinkani yahay arrin si dhamays tiran uga soo yeedhay Ra’iisulwasaare Abiy, hadana lama oga in haayada lacagaha aduunka ee IMF ay wali saamayn la haani doonto lacagta cusub ee dalka itoobiya ay yeelan doonto, dahabkuna gun dhiga u noqon doono.

nagala soo xidhiidh: jigjiganews1@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*