Dunidu ma waxay ku sii siqaysaa Dagaalkii 3aad ee aduunka+Qaramada midoobay goleheeda amaanka oo sii howl gabaya…

Dunidan aan ku noolahay waxaa horay sanadihii 1914 ilaa 1950 kii ku dhowaadkiisa ka dhacay colaadihii ugu halista iyo aafada badnaa dagaaladaas oo ay ku dhinteen malaayiin qof halka malaayiin kalena ay ku dhaawacmeen. Dagaaladan ayaa loo yaqaanaa dagaalkii koobaad iyo dagaalkii labaad ee aduunka. Dagaalkii koobaad ee aduunku wuxuu bilowday 1914 kii, wuxuuna joogsaday 1918 kii, Dagaalkan ayaa wuxuu socday mudo afar sanadood ah, dadka ku geeriyooday dagaalkan koobaad ee dunida waxaa lagu qiyaasaa ilaa labaatan malyan oo qof, halka dhaawaca lagu qiyaaso ilaa kow iyo labaatan malyan oo kale.

Dagaalkii labaad ee dunida ayaa isagana bilowday 1939 wuxuuna dhamaaday 1945 tii wuxuuna socday mudo lix sanadood ah. lixdaas sanadood dhimashada iyo dhaawaca dunida ku yimid wuxuu ahaa ilaa 50 malyan oo nafood oo bani aadam ah halka dhaawaca lagu qiyaaso inuu gaadhay ilaa 40 malyan oo kale oo u badan dad shacab ah maadaamo waxa colaadahan lagu xasuuqay ay u badnaayeen dad iyagu rayad ah iyo ciidamadii dhinacyadii dagaalamayay.

Maxaa sababay dagaalkii koobaad iyo labaad ee aduunka ?

Sida la wada ogsoonyahay wakhtigii uu bilowday dagaalkii koobaad ee aduunku, ma jirin haayad lamid ah haayada qaramada midoobay ee maanta dunida dhex dhexaadka u ah, qaxootiyada shuruucda u samaysay, dowladahana kala xadida xad gudubyada dhex maraya iyadoo golaha amaanka ee qaramada midoobay uu door wanaagsan mudo dheer ka qaadan jiray xalinta mushkuladaha dunida, si sharci lagu wada socdo loo helo mar hadii in muruq iyo awood lagu meel maro ay ka dhalan karto aafo lamid ah dagaalkii koobaad oo kale. Hadaba qodobka koobaad ee sababay colaadii koobaad ee aduunku waxay ahayd awood sheegashada quwadihii jiray iyo sida aan wakhtigaas u jirin gole loo dhan yahay oo dunida dusha kala socda, kala na ilaaliya xad gudubyada ay ku kacayaan quwadaha dunidu.

Dagaalkii koobaad ee dunida kadib waxaa la dhisay haayadii la odhan jiray league of Nations taas oo u fashilantay dhaqaale la’aan, saamayntii ay ku samaysay quwadii Jarmalku iyo ka maqnaanshaha maraykanka oo ka dhigay haayadaas mid aan taabo galin. Si kastaba ha ahaatee fashilkii ku yimid haayadii qaramada midoobay ayaa ahaa sababta ugu wayn ee keentay in dagaalkii labaad ee dunidu dhoco.

Wakhtigan maxay yihiin ifa faalaha muuqda ee laga dheehan karo in colaadi ku soo food leedahay dunida?

Waxaa sanadihii u danbeeyay soo kordhaya dalalka ay duminayaan quwadaha dunida ugu awooda badani, waxaana dunidan aan maanta ku noolahay ka jira dalal badan oo labaatan sano ka hor dowlado waa wayn ahaa balse maanta gabi ahaanba isu badalay dalal burbursan oo aysan ka jirin dowlado awood u leh in ay shacabka dalalkaas maamulaan. Qaar kamid ah dalalkan markii la weerarayay waxaa weerarkaasi si qayaxan u diiday golaha amaanka ee qaramada midoobay balse dhag jalaq cidna uma siinin ee waxaa lagu muquuniyay xoog iyo awood, ilaa sidii la doono laga yeelay dalalkaas iyo madaxdii xukumaysay.

inkastoo ay colaaduhu soo jireen labaatankii sano ee la soo dhaafay, hadana waxay si cad u soo shaac baxday arrintani markii uu bilowday dagaalka Ukraine iyo kuwa lamidka ah, kuwaas oo dhamaantood ku salaysan awood ku muquunin aan waafaqsanayn wax qawaaniin ah. dhanka kale Maraykanka ayaa dhowaan soo qabtay madaxwaynihii dalka Venezuela oo saacadihii ugu koobnaa lagu xaqiijiyay qabashadiisa iyadoo isla todobaadkaasna ay ciidamada maraykanku la wareegeen markab calanka Ruushku sudhan yahay oo waday shidaal la sheegay in laga keenay dalal uu maraykanku cuno qabatayn ku soo rogay.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa hubaal ah in dunidan aan ku noolahay ay ku socoto xawaare dheereeya oo ifa faalo colaadeed leh, marka la eego shiinaha iyo taiwan ama la yara milicsado korea da koonfureed iyo mida woqooyi ama la indho indheeyo tartanka dhanka hubka ah ee wakhtigan ku soo cusboonaaday dunida,

Maxaa lagaga hortagi karaa in uu bilowdo dagaalkii 3aad ee dunidu?

Arrinta ugu muhiimsan ee lagaga hortagi karo colaado dunida ku faafa ayaa waxay tahay ixtiraamka xuduudaha dunida ka jira iyo dalalka dhisan marka laga reebo cidii si xor ah oo shacabka afti laga qaado ku xoroobaysa, sidoo kale waxaa amniga dunida lagu xaqiijini karaa in si daacad ah dib u dhis loogu sameeyo dhamaan dalalka dunsan ee aan dowladaha lahayn wakhtigan iyo in golaha amaanka ee qaramada midoobay la siiyo awood dheri ah lagana daayo ka talaabsashada waxay diidana aan lagu dhaqaaqin ee loo hogaansamo.

Hoos ka daawo faalo kooban oo ku saabsan arrinka kor ku xusan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*