Madaxwaynaha dowlada deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar ayaa maanta warbaahinta siiyay waraysi dhinacyo badan taabanaya oo la xidhiidha xukuumadii hore, isagoo ku eedeeyay xukuumadii hore in ay boqolkiiba boqol ahayd xukuumada ay hogaaminayeen kacaan dibjiriin ah. Hadaba bahda warbaahinta jigjiganews waxay suaal ka keentay hadalka madaxwaynaha xukuumada hada talada haysa oo dhaliilo badan leh iyadoo ay si dhab ah u muuqanayaan dhaliilaha aan indhaha laga qarsan karin ee ka jira gudaha xukuumada uu hogaamiyo mustafe muxumed cumar.
Sida la wada ogsoon yahay, madaxwaynaha dowlad deegaanka ayaa mudo ku dhow 8 sano wuxuu si joogto ah u xusaa xumaanta xukuumadii hore iyo dhibaatooyinkii ay gaysatay, inkastoo warbaahinta jigjiganews aysan maamulkii hore ka difaacaynin waxyaabaha lagu eedeeyo, hadana ka war baahin ahaan waxaan is bar bar dhig ku samaynaynaa Shaqsiyaadka xukuumadii hore xilalka ka hayay ee isla xukuumadiisa xilalka maanta ka haya ee hadana uu madaxwaynuhu wali meelo kale ka raadinayo dibjiriin, iyadoo raga ugu badan ee maamulkiisa xilalka ka hayaa ay yihiin kuwo isla maamulkii hore la soo shaqeeyay waa kuwa uu kacaan dib jiriin ah ku tilmaamayee, hadaba bahda jigjiganews waxay iswaydiinaysaa madaxwaynuhu markuu saxan yahay, ma marka uu isla maamulkii hore rag ka soo shaqeeyay ku casuumay xilal iyo masuuliyad waliba aan lagula xisaabtamin, mise marka uu war baahinta imaanayo ee dibjiriin uu ku tilmaamayo, arrinkaas oo ka war baahin ahaan aanu u aragnay in ay ahayd in laba arrimood uu madaxwaynuhu mid sameeyo, waa mida koobaade inuu wixii hore ka gudbo oo hada wixii la hayo tayayteeda uu wakhti badan galiyo iyo waa mid labaade in uu marka hore intuuna dib jiriin ku tilmaamin uu is dhaafiyo kuwa uu u yaqaano kacaan dibjiriin ah ee hada xukuumada wasaarad kasta buux dhaafiyay.
Waxaa kale oo la is waydiinayaa madaxwaynaha ma aqoonta uu golihiisa wasiirada iyo shaqaalaha kala duwan u leeyahay ayaa yar mise si uu u fahmo in kuwa hada la shaqaynayaa ay yihiin in badani isla kuwii maamulkii hore la soo shaqeeyay mise wuu iloobaa oo dhanka xasuusta ayay ciladi ka jirtaa. Dad badan oo wax garad ah isla markaasna aqoon yahan ah ayaa u arka in wakhtigan ay ahayd in dhibaneyaasha deegaanka wadajir wax loogu qabto in ay ahayd, isla markaasna hada ay ahayd wakhtigii laga gudbi lahaa gocoshada iyo tabadasha ka imaanays dhanka maamulka iyo masuuliyiinta ugu saraysa isla markaasna ay ahayd in wakhtigan umada dowlada deegaanka ay ahayd in loo jiheeyo midnimo iyo wax wada qabsi, cadaalad iyo in wadir la isaga kaashado sidii deegaanka looga hir galin lahaa dowladnimo hana qaada oo mustaqbalka shacabka dowlada deegaanka lagu hagaajinayo.
Bahda Jigjiganews waxay shacabka dowlada deegaanka, xukuumada, xisbiyada kala duwan iyo aqoon yahan deegaanka ugu baaqaysaa in wadajir looga taliyo danaha shacabka dowlad deegaanka Soomaalida iyadoo la saxayo khaladaadka hada jira ee ragaadinaya dowladnimada deegaanka isla markaasna wax qabad dhab ay loo sameeyo dhibaneyaasha deegaanka, wixii dhacayna aan loo qaadanin xisaab ahaan ee loo qaato cashar ahaan, si aan mar danbe u dhicin dhibaatooyinkii dhacay kuwo lamid ahi.
ku xidhnow jigjiganews.com
HOOS KA DAAWO MUUQAAL XIISO BADAN, ARAGTIDAADA QAYBTA COMMENT GA NAGULA WADAAG.
Xildhibaanada dowlad deegaanku waxay gabeen masuuliyadoodii, sidaas darteed xildhibaan kasta oo aan shantii sano ee la soo dhaafay waxba u qaban bulshada ay matalaan, yaan mar kale la soo dooranin, si ayna mar kale umada u khasaarinin, isla markaasna wakhtiga uga luminin.
Hoos ka daawo muuqaal xiiso badan.

Leave a Reply