Maxay shacabwaynaha reer Woqooyi bari oo si wayn u soo dhoweeyay waftiga kala duwan ee ka socday dowladaha kala duwan.

Waxaa todobadkan magaalada laascaanood ee xarunta maamulka woqooyi Bari Somalia ku sii qul qulayay wufuud kala duwan oo ka socotay dowlada Federalka Somalia oo ay ugu horeeyaan madaxwayne Xasan sheekh Maxamuud iyo Ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Bare, golaha wasiirada iyo guud ahaanba masuuliyiinta heerarka kala duwan ee xukuumada Federalka Somalia, Aqoonyahan ka socda dowladaha dariska la ah Somalia iyo masuuliyiinta maamulka Khatumo. Dhanka kale waxaa si wayn isugu soo baMadaxwayne Xasan sheekh iyo dowlada Federalka oo laascaanoo ku sugan, Madaxwayne Cirro oo hanjabay+Maxaabiistii laascaanood…?

 

Booqashada masuuliyiinta heerarka kala duwan ah  ee isugu tagay magaalada Laascaanood ayuu u jeedka safarkoodu daaranyahay ka qayb galka caleemosaarka madaxwaynaha Reer X-Khaatumo ama reer woqooyi Bari Somalia oo dhowaan ay aqoonsatay dowlada Federalka Somalia. Waxaa caawa gabi ahaanba soo afjarmaya ku meel gaadhnimadii maamul goboleedka woqooyi bari isagoo maamulkaasi maanta kadib noqon doona maamul goboleed buuxa oo si rasmi ah uga tirsan maamulada xukuumada Federalk Somalia. Waxaa warbaahinta caawa buux dhaafiyay xaflada ka socota magaalada laascaanood ee xarunta dowlad goboleedka Woqooyi Bari Somalia.

Waxaa dhanka kale  la arkayay madaxwaynaha Somaliland cabdiraxman Cirro oo dhankiisa jeediyay khudbad ku saabsan aragtidiisa ku aadan caleemo saarka ka socda laascaanood isagoo dib u milicsaday xukuumadii kacaanka iyo wixii dhex maray reer Somaliland, isagoo xusay in shacabka reer Somaliland ay hadafkooda wakhtigii kacaanka ku meel mariyeen xoog iyo qori afkiisa, inkastoo ay run tahay in dowladii kacaanka ay shacabka Soomaaliyeed rideen, hadana, dhanka kale ay eer Woqooyi bari ku jireen dib u milicsiga colaadihii ay magaalada laascaanood wajahday sanado kooban ka hor markii ay ku dhex dagaalameen shacabka reer Woqooyi bari iyo ciidamada maamulka Somaliland halkaas oo ay ku dhinteen kumanaan qof ugu danbayna ay meel martay aragtidii shacabka reer x khaatumo.

Hoos ka daawo hadal jeedinta Madaxwayne Cirro

Waftiyada ka qayb galaya caleemo saarka madaxwayne firdhiye ayaa la filayaa in ay socon doonaan tan iyo maalinta bari ah, iyadoo ay jireen wufuud ka kala imaanaysa dowladaha kala duwan ee dalalka geeska Africa oo lagu casuumay caleemo saarka maamulka cusub ee ugu da’ada yar maamulada ka jira dalka Somalia. Madaxwayne Xasan iyo dowlada Federalka Somalia ayaa talaabadan u arka mid horseedi karta midnimo Soomaaliyeed oo laga hirgaliyo guud ahaan dalka Somalia, iyadoo ay dowlada Federalku u aragto in Reer Sool ay sabab u noqon karaan soo celinta midnimo dib uga hirgasha dalka Somalia.

Hoos ka daawo muuqaal xiiso badan oo faalo ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*