Waxaa maanta la xadhig jaray isbataalka kaaramardha qaybta ilmaha iyo umusha, sida ka muuqata dhismaha la xadhiga laga jaray waa dhisme qurxoon oo dusha sare marka sawirada xadhig jarka mashruuca la eego u muuqda mid waxtar wayn ku soo kordhin doona bulshada dowlada deegaanka.
Hadaba, marka si qoto dheer loogu kuur galo, istabaalada laga dhiso dowlad deegaanka Soomaalidu sida loogu farxo uma nowdaan kuwo baahida bukaanka deegaanka u daboola, badalkeeda waxaa isbataalada isugu soo hadhay, shaqaale caajisay oo aan haysanin daryeel wanaagsan iyo mushahar ku filan midna, taasna waxaa ka dhalata in adeega ay helayaan bukaanku uu noqdo mid ka hooseeya heerkii laga doonayay.
Inta badan, iyadoo itoobiyq guud ahaan shaqaalaha dowladu ay qabaan mushahar yaraan aad u daran oo ragaadisay awooda iyo xirfada cududa shaqaale ee 2aaxyaha kala duwan, hadana dhakhaatiirta iyo kalkaalisooyinka oo guno wanaagsan iyo mushahar ku filan la siiyaa waxay sare u qaadi kartaa mooraalka shaqaalaha iyo noloshooda, taas oo keeni karta in shaqaalaha caafimaadku iyagoo shaqadooda jecel oo wax ku filan noloshoodu ka soo galayo ay u adeegaan bukaanada kala duwan ee soo booqanaya goobaha caafimaadka.
Marka loo dhaadhoco isbataalada gobolada, waxaad arkaysaa shaqaalaha oo dadaalaya balse marka aad la sii sheekaysato kuu sheegaya in ay bulshadooda uun u adeegayaan balse aysan wax noloshooda ku filan ka helin shaqada ay umada u hayaan oo ah mid aad muhiim u ah, arrintan ayaa waxay sababtaa in mararka qaar dadka qurbaha u tahriibaya ay kamidyihiin kuwo lahaa xirfad caafimaad ama u shaqaynayay laamaha kala duwan ee dowlada.
Dhanka kale, isbataalada degmooyinka iyo tuulooyinka ayaan iyaga magac mooyee wax la sheegi karo oo caafimaad ahi ka jirin, arrintan ayaa sababtay in marar badan dadku markay xanuunsadaan in aysan hungutaynin goobaha caafimaad iyagoon wax kalsooni ah ku qabin 70% adeega ay ka heli karaan goobaha caafimaadka.
Isbataalada, mararka qaar bukaanka yimaada ee daawooyin u soo raadsada waxaa lagu qasbnaa in ay mudo ku sii sugnaadaan isbataalka iyagoo laga yaabo in ay roonaadeen ama doonaya in ay isbataal kale oo dhaama u safraan iyadoo ay meelaha qaar bukaanka iyo maamulka isbataalku isku fahmi waayaan qaabka bukaanka xaaladiisa caafimaad loo maaraynayo.
Ugu danbayn, isbataalada inta badan, ma dhex taalo wax daawo ah, mararka qaar waxaa laga waayaa daawooyinka aan dhaafsanayn xanuun baabi’iyaha iyadoo bukaanka lagu wargaliyo in ay banaanka farmaciyada ku yaala u doontaan daawo.
Marar badan oo kala duwan ayaa waxaa la arkayay bulshada qaybeheeda kala duwan oo cabashooyin ka muujinaya daawo la’aanta ka jirta isbataalada dowlad deegaanka iyadoo dhanka kale, ilowshaha dayactirka gaadiidka caafimaadka degmooyinka intooda badan markay ciladi ku timaado lagu ilaawo qayilaada iyo eryadka.
Waxaa yar ama maqan dabagalkii lagu samayni lahaa adeega laamaha kala duwan ee caafimaadka ee dowlada deegaanka Soomaalida.

Leave a Reply