Waxaa maalmihii la soo dhaafay isa soo tarayay wararka la xidhiidha in madaxwayne Xasan sheekh maxamuud booqasho ku tagayo magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. Safarkan ayaa u jeedkiisa lagu sheegay in uu uga qayb galayo caleemo saarka maamulka cusub ee horay loogu yaqaanay Khaatumo state haatana loo bixiyay woqooyi Bari Somalia, caleemo saarkan oo la filayo inuu dhici doono todobaadyadan. Madaxwayne Firdhiye ayaa dhowaan booqashooyin kala duwan ku yimid caasimada dalka Somalia iyo xarunta maamulka Gal mudug ee dhuuso mareeb si uu arrimo la xidhiidha arrimaha caleemo saarkiisa iyo xoojinta midnimada Somalia ugu ol oleeyo.
Waxaa todobaadkan magaalada laascanood booqasho ku tagay qaar kamid ah golaha wasiirada dowlada Federalka Somalia oo la sheegay in ay u sii gogol xaadhayaan imaatinka waftiga madaxwaynaha xukuumada Federalka Somalia oo ku wajahan isla xarunta maamulkaasi woqooyi bari ee Laascaanood oo caawa dad ka ciir ciiraysa sida ay jigjiganews xog ku heshay. Dhanka kale, maamulka Somaliland ayaa dhankooda u arka talaabadan mid xad gudub ku ah gooni isu taaga maamulkaas iyadoo dowlada Somalia ay u aragto magaalada laascaanood magaalo ku suntan midnimada umada Soomaaliyeed oo laga difaaci karo wadajirka dalka Somalia. Magaalada laascaanood ayaa waxaa gaadhay ciidamo kala duwan oo ka socday dowlada federalka Somalia, iyadoo la arkayay ciidamada PSf ta Puntland oo iyagoo kolonyo ah ku sii qul qulaya gudaha caasimada khaatumo iyo gobolka Sool. Shacabka reer Sool ayaa dhankooda u arka in ay xor u yihiin ka tashiga aayohooda, ayna diyaar u yihiin kamid ahaanshaha dowlada Federalka Somalia isla markaasna aysan doonaynin in cidna aysan ku qasbin wax ka baxsan rabitaanka shacabka gobolka Sool.
Si kastaba ha ahaatee iyadoo loo balansanyahay so dhowaynta iyo imaatinka madaxwaynaha dowlada Federalka Somalia, ayaa dhanka kale deegaanadaas laga dareemayaa sugitaanka amniga oo aad sare loogu qaaday iyadoo ciidadamada psf ta, kuwa dowlada federalka Somalia iyo kuwa maamulkaasi woqooyi bari ay wadajir ugu howlan yihiin in amniga deegaanadaasi sare loo qaado inta ay waftiyada kala duwani ku sugan yihiin gudaha deegaanadan.
Waxaa magaalada laascaanood horay booqasho ugu tagay Ra’iisulwasaaraha dowlada Federalka Somalia Hamza Cabdi Bare iyadoo la xasuusan yahay in Alle ha u naxariistee madaxwaynihii xukuumadii kacaanka ee Somalia Maxamed Siyaad Bare uu sidoo kale horay u booqday wakhtigiisii uu xukunka dalka Somalia hayay.
Deegaankan gobolka sool ayaa ah mid strategi u ah dowlada Federalka Somalia iyo maamulka Somaliland labadaba, iyadoo rabitaanka dhabta ah ee shacabka deegaankani uu yahay cida go’aamin doonta masiirka rasmiga ah ee mustaqbalka shacabka ku dhaqan deegaankan.
La soco wararka geeska Africa iyo kuwa caalamka, kuna xidhnow jigjiganews.com

Leave a Reply