DEG DEG: Ciidamada Cirka ee Maraykanka oo duqaymo ka fuliyay gudaha Venezuela+Ujeedka

DEG DEG: Ciidamada Cirka ee Maraykanka oo duqaymo ka fuliyay gudaha Venezuela+Ujeedka

Wararka hada soo dhacaya ayaa sheegaya in ciidamada cirka ee dalka maraykanku ay duqaymo la beegsadeen meelo kamid ah goobaha ciidanka ee gudaha dalka Venezuela. Talaabadan ayaa imaanaysa iyadoo bilihii u danbeeyay ay xaaladi ka dhex aloosnayd dalalka Venezuela iyo maraykanka, iyadoo la sheegay in u jeedku yahay sidii dalka Venezuela ay uga dhici lahayd Demoqraadiyad, isla markaasna loo badali lahaa madaxwaynaha dalkaas. Ugu yaraan 7 qarax oo xoogan ayaa laga maqlay gudaha magaalada caracas ee dalka Venezuela, Maraykanka ayaa sheegay in uu wali beegsanayo daroogo, balse taas ayay dowlada Venezuela u aragtaa boodh isku qarin. Dariiqyada ayaa la arkayay dadka oo kala ordaya wakhtigii qaraxyadu ay ka dheceen gudaha caasimada Venezuela ee Caracas. Wali dowlada Venezuela kama hadlin khasaaraha ka dhashay howlgalkan iyadoon sidoo kale wax jawaab ah ka bixinin arrinkan caasimada dalkaasi ay ku waa bariisatay.

 

Madaxwaynaha Venezuela oo la qabtay.

Madaxwaynaha dalka Maraykanka ayaa sheegay in la qabtay Nicolas Maduro iyo xaaskiisa, inkastoo aysan arrinkan ka hadlin dowlada Venezuela. Arrinkan ayaa muujinaya sida dunida ixtiraamkii xuduudaha caalamiga ah iyo golaha qaramada midoobay ay u sii wiiqmayso, iyadoo dunidu ay ku sii siqayso in cudud la isku muquuniyo isla markaasna ay meesha ka baxdo awoodii sharciyadeed ee haayada golaha qaramada midoobay oo u jeedkii loo dhisay uu ahaa xakamaynta xasaradaha dalalka dunida, si looga baaqsado dagaal lamid ah kii koobaad iyo kii labaad ee dunidan soo halaagay.

Somalia oo u dhow in ay dalka Somalia nabad ku soo dabaasho.

Dowlada Federalka Somalia ayaa bilihii u danbeeyay ku dadaalaysay sidii ay dalka Somalia uga dhigi lahayd mid xasiloon, inkastoo ay jireen khilaafyo u dhexeeya maamul goboleedyada qaar iyo dowlada Federalka Somalia, isla markaasna ay soo dhowaatay in dalka Somalia uu noqdo mid xasiloon. Dhanka kale dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa dhankooda dagaalo joogto ah ku waday kooxaha amniga dalka Somalia halista ku ah, iyagoo dhul wayn ka xoreeyay kooxahan.

Dowlad goboleedka Puntlanad ayaa gabi ahaanba buuraha calmiskaad ka sifaysay kooxda daacish, iyadoo hada ay waxyar ka sii nool yihiin kooxaha guracan ee mushkulada ku shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaanadaasi. Dhanka kale, dowlada Goboleedka Jubbaland ayaa bilihii u danbeeyay dardar galisay howl galada ka dhanka ah kooxaha guracan iyadoo ciidamada maamulka Jubbaland ay goobo badan guulo ka gaadheen.

Wax badan ka ogow isku daygii lagu beegsaday Madaxwaynaha Hirshabelle Cali Guud laawe.

Jimcihii shalay ayaa miino lala beegsaday madaxwaynaha Hirshabelle wakhti uu garoonka diyaaradaha ee Maxamed dheere, halkaas oo la sheegay in ay ku dhaawacmeen qaar kamid ah masuuliyiintii la socotay madaxwayne Cali Guud laawe.

Qaraxa miinada ayaa la sheegay in madaxwaynaha lala beegsaday isagoo maraya aaga jiiro carmaale magaalada jowhar.

Dadka qaraxa miinadan ku dhaawacmay ayaa waxaa kamid ah walaal la dhashay madaxwayne Cali guudlaawe oo lagu magacaabo Yusuf Guudlawe iyo kornayl ka tirsan ciidanka Soomaaliyeed oo isagana lagu magacaabo  Mahmoud Hussein.

Arrinkan ayaa baraarujinaya halista cusub ee loo baahanyahay in masuuliyiinta dalka Somalia ay ku baraarugaan si aan iyagana loola beegsanin qaraxyo noocan oo kale ah.

Caasimada dalka Somalia ee muqdisho ayaa baryahan danbe laga dareemayay xasilooni iyo daganaansho, iyadoo sidoo kale caasimada Somalia ay ka dhacday doorasho heer golaha deegaanka ah oo ku soo dhamaatay si nabad galyo ah, taas oo shacabka Nabada jecel ee Soomaaliyeed ay u arkeen talaabo muhiim u ah dib u nabadaynta dalka Somalia.

Jigjiganews kala soco wararka dunida, kuwa geeska Africa iyo deegaanada Soomaalida oo dhan.

Nagala soo xidhiidh: jigjiganews1@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*