Tan iyo markii ay soo baxday arrinta la xidhiidha aqoonsiga Somaliland, waxaa soo ifbaxaysay qaabka ay dowlad Federalka Somalia uga fal celinayso dhacdadan. Somaliland oo 34 sano raadinaysay fursad ay kula xidhiidho beesha caalamka isla markaasna ay ku hesho aqoonsi caalami ah, ayaa arrinka aqoonsiga ee dhanka bariga dhexe ka yimid u aragta fursad ay mudo badan goobaysay iyadoo la arkayay shacab u dabaal dagaya arrinka la xidhiidha aqoonsiga soo yeedhay. Dhanka kale dowlada Federalka Somalia ayaa ku timaantay arrinkan mid xad gudub ku ah madax banaanida dalka Somalia, iyadoo ka digtay in arrinkani horseedi karo in wadamo badan ay u horseedi karto in ay qaybo kamid ah ay go’aan ama ay ku dhawaaqaan madax banaani aan sharci ahayn marka loo ban dhigo shuruucda y u taala haayada qaramada midoobay ee u taagan dhex dhexaadinta mushkuladaha caalamiga ah.
Haayada qaramada midoobay dhankeeda u muuqata mid awoodeedu ay sii wiiqmayso maalinba maalinka ka danbaysa labaatankii sano ee la soo dhaafay, iyadoo ay soo shaac baxayeen dhaliilaha xakamayn la’aanta damaca quwadaha dunida. Arrinkan ayaa sii xoogaystay kadib markii ay bilaabatay colaada u dhexaysa Ukraine iyo Ruushka oo socoto mudo sanado badan ah, iyadoo ay colaadaasi noqotay mid dunida oo dhan siyaabo kala duwan u saamaysay. Ukraine oo ahayd dal ku wanaagsan wax soo saarka beeraha ayaa colaadii lagu qaaday waxay dunida oo dhan galisay xaalad adag oo dhanka dhaqaalaha iyo cunada ah, iyadoo wali dunida daafeheeda laga dareemayo raadkii dhaqaale ee dunida ka soo gaadhay colaada u dhexaysa Ruushka iyo Ukraine.
Dhanka kale, isfaha darrada u dhexaysa Maraykanka iyo venezuela ayaa u muuqata mid culayskeeda ku yeelan karta dunida, inkastoo madaxda dalka Venezuela ay sheegeen in ay diyaar u yihiin in ay heshiis la galaan dowlada Maraykanka ee uu hogaanka u hayo madaxwayne Donald Trump. Waxaa bilihii u danbeeyay la arkayay diyaaradaha dagaalka ee maraykanka oo duqaymo u gaysanaya doomo la sheegay in ay wadeen daroogo waa sida hadalka loo dhigaye, kuwaas oo ka soo gudbayay dhanka dalalka Latiin America gaar ahaan dalka Venezuela oo daris la ah dalka Maraykanka.
Dowlada Maraykanka ayaa bilihii u danbeeyay baadhitaano ku waday dad Soomaali ah oo ku nool dalka Maraykanka, iyadoo Soomaalida lagu eedeeyay in ay dheceen lacago kamid ah canshuuraha laga soo qaado dadka maraykanka, eedayntan oo ay shacabka asal ahaan Soomaalida ah ee maraykanka ahi iska fogeeyeen kuna tilmaameen mid waxba kama jiraan ah oo lagu bar tilmaameedsanayo Soomaalida ganacsatada ah ee wax soo saarka badan samaysa, isla markaasna lagu curyaaminayo wax soo saarka qoomiyada soomaalida ee dalka maraykanka ku nool. Magaalada Minnesota ee Soomaalidu ku badan tahay ayaa la arkayay muuqaalo naxdin leh oo laga soo duubay kuwaas oo muujinaya is eryadka ciimada ICE ee maraykanka iyo dadka sharciyada la waydiinayo wakhti baraf tiro badan uu daadsanaa dariiqyada magaaladaasi. Madaxwayne Trump ayaa caan ku ah in uu la dagaalamo dadka soo galaya dalka maraykanka, gaar ahaan kuwa sida sharciga baal marsan ku soo galaya ee xuduudaha ka soo talaabaya. Doorkii hore ayaa lagu xasuustaa inuu dhisay darbi wayn oo xuduudaha dalka maraykanku la wadaago dariska lagu fidinayo, iyadoo ay darbigaas dhismihiisa ku baxday malaayiin lacagta doolarka maraykanka ah.
Madaxwayne Trump ayaa inta badan Soo galootiga sharci darrada ah ku tilmaama in ay yihiin kuwo daroogada la xidhiidhinayo iyo kuwo danbiileyaal ah oo dalalkoodii danbiyo ka soo galay, balse xaqiiqada jirta ayaa ah in dalka Maraykanka ay dadku u aadaan magangalyo doon iyo fursado raadin, maadaamo guud ahaan dunida umadaha ku nooli ay ku kalsoon yihiin in aysan maraykanka gudihiisa ku qadaynin, cid ka gar darana ka soo qabsan karin.
Si kasta ha ahaatee, waxaa todobaadkan galay waji cusub guud ahaan geeska Africa, wakhti Somaliland ay u hanqal taagayso in ay noqoto dal madax banaan, halka dowlada Federalka Somalia, ay badalkeeda kud adaalayso sidii arrinkaas looga laaban lahaa, midnimada Somalia iyo madax banaanideedana loo ixtiraami lahaa, si dunidu aysan u galin xaalad cid kastaa cida ay ka awood badantahay aysan ugu xad gudbin, taas oo lumin karta ama dhaawici karta shuruucda caalamiga ah ee u dagan dalalka dunida ka jira. dhanka kale, dalka Turkiga iyo dalal kale ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay arrimaha geeska Africa ka soo cusboonaaday, iyadoo xaalada haatan geeska Africa galay ay u muuqato wixii ay dhalin yartu baryahan danbe ugu yeedhi jireen baradho kulul.
Waxaa todobaadyada soo socda isha lagu hayni doonaa geeska Africa iyo talaabooyinka cusub ee ku soo biiri kara, balse waxaa hubaal ah in aysan jirin in laga shaqeeyo sidii geeska Africa xaaladiisa nabad loogu ilaalin lahaa, isla markaasna wadajir looga gaashaamani lahaa waxkasta oo sababi kara in geeska Africa uu marti galiyo colaado ay ku looltamayaan quwadaha dunidu, iyagoo u soo raraya dagaalo wakaalo ah oo riiqi kara guud ahaan danaha dowladaha geeska Africa taas oo waxyeelo wayn u gaysan karta guud ahaan qaarada Africa madaxana isu galin karta quruumo cusub oo kala dan iyo dalal ah.
nala soo xidhiidh: jigjiganews1@gmail,com

Leave a Reply