Daawo: Wararkii u danbeeyay ee doorashada Gudaha dalka itoobiya iyo halka xaalka doorashu marayo…Read more

Daawo: Wararkii u danbeeyay ee doorashada Gudaha dalka itoobiya iyo halka xaalka doorashu marayo…Read more

Waxaa maanta safaf dhaadheer u galay sidii ay codkooda u dhiibani lahaayeen malaayiin qof oo kamid ah kuwa doorashada isu diiwaan galiyay ee ka qayb qaadanaya cod bixinta doorashada ka dhacaysa guud ahaan dalka itoobiya.

Saaka subaxdii hore ayaa la arkayay muwaadiniinta oo safaf dhaa dheer ugu jira goobaha cod bixinta si ay markaa uga qahb qaataan doorashada ka dhacaysa dalkaasi.

gudiga doorashada ee itoobiya ayaa sheegay in ay isdiiwaan galiyeen in ka badan 50 million oo qof oo muwaadiniin ahi, si ay xaquuqdooda cod bixineed u gutaan.

 

Hadaba, doorashada oo ay indheer garadka siyaasada ku xeel dheeri u arkaan in ay ka haboonayn in wakhtigan lagu baaqo wada xaajood qaran si deegaanada xiisadaha coladeed ka jiraan loo xaliyo, ayaan ka qabsoomin guud ahaan deegaanka Tigray, halka deegaanada Oromia iyo Amhara region ay sidoo kale jiraan goobo aysan doorashadu ka qabsoomin.

Korjoogeyaasha ka socda dalalka Midowga Africa iyo beesha caalamka ayaa iyagana la arkayay iyagoo ku sugan goobaha cod bixinta, si ay goob joog uga ahaadaan sida ay wax u socdaan.

Dr.Abiy ayaa sahlay in doorashadani ay seejiso kaar siyaasadeed oo ka caawin lahaa isaga iyo xisbigiisu in ay kasbadaan shacabwaynaha reer itoobiya mar kale, iyadoo badalka doorashada ay ku haboonayd in u heshiisiin qaran oo nabad lagula qaadhaya Jabhadaha Fano, Olf iyo xubno saamayn ku leh bulshada dhexdeeda, sida Oromia iyo Amhara Region, halka fursad uu sidoo kale u heli lahaa in uu gogol wada hadal u fidiyo Tplf iyo guud ahaan siyaasiyiinta dowlad deegaanka Tigray, taas oo beesha caalamka lafteeda u sahli lahayd in ay fahanto geedi socodka siyaasadeed ee dalka itoobiya iyo xalka ay xukuumada iyo xisbiga talada hayaa u raadinayaan mushkuladaha gudaha itoobiya ka oogan.

Hoos ka daawo muuqaal xiiso badan oo warkan ku saabsan.

 

Loading

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*