Daawo muuqaal xiiso badan: Doorasgada Itoobiya oo isniinta loo balansanyahay + Xaaladaha ku xeeran iyo colaadaha deegaanada Qaar…

Daawo muuqaal xiiso badan: Doorasgada Itoobiya oo isniinta loo balansanyahay + Xaaladaha ku xeeran iyo colaadaha deegaanada Qaar…

Waxaa maalinta isniinta ah loo balansanyahay doorashadii 7aad ee falka Itoobiya, iyadoo ay xisbiyo kala duwani ka qayb qaadani doonaan doorashada. Waxaa la arkayay kormeereyaal caalami ah oo ku sii qul qulaya caasimada Addis Ababa, iyadoo la arkayay madaxwayneyaal hore, haayado caalami ah iyo waliba haayada IGAD iyo AU oo iyaguna soo dirsaday shaqsiyaad goob jooge yaal ah oo kormeeri doono doorashada.

Doorashada, ayay dadka siyaasada indho indheeyaa u arkaan mid aan wakhtigan ku haboonayn, sababo la xidhiidha colaadaha ka jira dowlad deegaanada Amhara iyo Oromia, halka deegaanka Tigray ay ka muuqato saan saan colaadeed iyadoo la sheegay in ilaa 30 kun oo dhalin yaro ah lagu amray in ay ciidamada qortaan, halka goobihii wax barashadana la sheegay in deegaanka Tigray albaabada la isugu dhuftay oo la xidhay gabi ahaanba.

Caqabadaha doorshadan hadhaynaya ayaa waxaa kamid ah, in kaararka lagu codaynayaa ay yihiin waraaqo la koobin karo, isla markaasna aan lagu kalsoonaan karin. Si kastaba ha ahaatee waxaa isha lagu hayaa guud ahaan doorashada dalka itoobiya ka dhacaysa, iyadoo ay jiraan caqabadahaas oo dhan iyo waliba kuwo kale oo heer Gobol iyo heer caalami ah.

La soco arrimaha doorashada itoobiya xog ku saabsan, tirada xisbiyada, tirada goobaha doorasho.

Loading

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*