Daawo muuqaalka Maxaa dowladaha Dumiya qaybtii 2aad…
Sidii aan ku soo sheegnay qormadii hore, dad badan ayaa u maleeya in dowladaha dibada laga dumiyo, ama ma ahee dowladaha uu jiro cadow ku soo duula oo u awood sheegta isla markaasna dumiya, balse kawaran hadaan ku idhaahdo, cadow kasta oo dibad kaga soo duula wadan, ma awoodo in uu dumiyo dalka hadii uuna helin 90% gudaha dalka ka dumisa, taas lafteedu maaha mucaarad iyo kooxo kacdoon wada oo kaliya, balse qorshe xumada dowlada lafteeda ayaa loo dhex maraa si dowladaha loo dumiyo.
Tani waa marka madaxdu ay qaadato go’aamo khaldan, iyadoo laga yaabo mararka qaarkood in la siiyo talooyin qaldan ama madaxdu ay u fikirto qorshe halis ku ah qaranka ama ay badato isla xisaabtan la’aanta, hufnaan la’aanta iyo qorshe xumada joogtada ah oo musuq iyo dhoihnaani u dheer yihiin.
Hoos ka daawo muuqaal xiiso badan.
![]()

Leave a Reply