Hogaanka dhaqanka iyo xaaladaha ku xeeran + Arrimaha murugsan ee…

Hogaanka dhaqanka iyo xaaladaha ku xeeran + Arrimaha murugsan ee…

Hogaanka dhaqanku waa laf dhabarta bulshada ee umadi leedahay. Hogaanka dhaqanku waa isku xidhaha bulshada iyo dowlada, waana xaliyaha arrimaha bulshada ee ku dabaqa arrimaha ay xalinayaan xeer dhaqameed iyo garasho xigmad ku salaysan.

Hogaanka dhaqanku, waa dadka kaliya ee bulshada u ah qareen dhaqan oo si fudud u xalin kara arrimaha murugsan dhamaantood. Hadaba, Hogaanka dhaqanka marka lagu caano shubo, waxaa la ilaawaa in dhaqaale ahaan loo kabo, iyadoo ay haboon tahay in hogaan kasta oo dhaqan ay ciddda dooratay siiso 300 adhi ah, 100 geel ah iyo waliba gaadhi yar oo ku haboon dhulka aan jidadka fiican lahayn oo u sahla in uu wakhtigiisa si buuxda ugu huro u adeegista bulshada oo uuna ugu mashquulin biil u raadinta caruurtiisa iyo qoyskiisa sidoo kale in hogaanka dhaqanka dhaqaale ku filan la siiyaa waxay caawinaysaa in hogaanku uuna galin jeebka xukuumada iyo xisbiga talada haya iyagoo eegaya nolosha oo kaga xidhan xakuumada.

 

Hoos ka daawo muuqaal faah faahsan oo arrinkan ku saabsan.

Loading

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*